Accessibility links

Breaking News

Astaamo horumar oo ka jira Tigray


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Bishii November ee la soo dhaafay, labada dhinac ee ay rabshada iyo burburka ka dhex taagneyd muddada labada sano ah, ee Tigray People’s Liberation Front, ama TPLF, iyo Dowladda Itoobiya, waxay saxiixeen inay joojiyaan colaadaha.

Intaa wixii ka danbeeyay, labadan dhinac waxay si tartiib tartiib ah u dhaqan galiyeen qodobadii lagu heshiiyay oo ahaa in dib loo bilaabo gargaarkii bini’aadantinimo iyo adeegyadii muhiimka ahaa ee Tigrayga iyo waliba in kooxda TPLF lagu sameeyo hub ka dhigis iyo in dhamaan ciidamada shisheeye iyo kuwa aan federaalka ahayn laga saaro Tigray.

Heshiisku waxa kale oo uu ku baaqay in si loo dhan yahay loo dhammaystiro hannaan caddaaladeed oo heer qaran ah oo ku-meel-gaar ah.

Markii ugu horeysay muddo laba sano ka badan, ayay dowladda Itoobiya dib ugu soo celisay awooddii iyo adeegii telefoonnada dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Tigray. Gargaarka bini'aadantinimo ayaa bilaabmay bartamihii Janaayo, kooxda TPLF-na waxay ku wareejisay Midowga Afrika hub badan oo ay wateen oo ah kuwa culculus, sida taangiyada iyo gantaalaha.

Dhanka kale, ciidamada Eritereeya ayaa bilaabay in ay isaga baxaan magaalooyinkii iyo fariisimihii ay ku lahaayeen gobolka Tigreega muddo bilooyin ah waxayna dib ugu soo laabteen xudduuda Eritrea.

Maraykanku waxa uu taageersan yahay hannaanka nabadeed ee uu hoggaamiyo [Midowga Afrika] ee waqooyiga Itoobiya, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

"Waxaan bogaadinaynaa horumarka joogtada ah ee socda ee ku aaddan hirgelinta qodobbada muhiimka ah ee heshiiska joojinta colaadda ee la gaaray dhowr bilood ka hor iyo sidoo kale doorka wanaagsan ee Kooxda hubinta iyo u hoggaansanaanta wadajirka ah ee AU-da.”

“Waxaan la soconaa in ciidamada Eritrea ay bilaabeen inay ka baxaan Itoobiya. Waxaan ku celinaynaa baaqii ka soo baxay wadahadalladii Koonfur Afrika, ee ahaa in dhammaan ciidamada shisheeye laga saaro," ayuu yiri afhayeenka Price.

Bixitaanka Eritrea iyo ciidamada kale waa muhiim… si loo gaaro nabad waarta, loo helo gargaar bini'aadanimo oo buuxa, iyo xaqiijinta madaxbanaanida dhuleed ee Itoobiya."

Mareykanku waxa uu wadi doonaa taageerada uu siinayo hirgelinta heshiiskii November 2-deedii iyo dadaallada lagu gaarayo nabad waarta. Waxaa tani ka mid ah in kormeerayaasha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ay tagaan meelaha ay colaaduhu saameeyeen ee waqooyiga Itoobiya. Shaqadu way harsan tahay, laakiin horumarku waa mid rajo leh oo dadka Itoobiya siinayasa sabab rajo ah.

XS
SM
MD
LG