Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ku biiray xulufadiisa si cunaqabatayno dheeraad ah loo saaro IRAN


EU Iran Nuclear
EU Iran Nuclear

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida Dowladda Mareykanka

Si kor loogu qaado la xisaabtanka xadgudubyada xuquuqul insaanka ee taliska Iran, ayuu Maraykanka, oo kaashanaya Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay 10 qof oo reer Iran ah oo dheeraad ah, iyo sidoo kale hal hay’ad oo Iran laga leeyahay oo dheeraad ah.

Shaqsiyaadka la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka sirdoonka Iran iyo taliyayaasha muhiimka ah ee ilaalada kacaanka Iran ee IRGC. Bayaan ay soo saartay, Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka waxay ugu yeertay hay'addaas, Ururka Iskaashatada IRGC, "sanduuqa hoos u dhaca ee shaqaalaha ee IRGC iyo danahooda ganacsi." Shan qof oo ka mid ah guddiga ayaa sidoo kale la magacaabay.

"Tallaabada maanta waa tii ugu dambeysay ee cunaqabateynno badan oo la sameeyay iyadoo la tashi dhow lala sameeyay xulafadayada iyo saaxiibadayada waxaana loola dan lahaa shaqsiyaadka iyo hay'adaha Iran ee xiriirka la leh mas'uuliyiinta Iran ee sida naxariis darrada ah ee gacan ka hadalka wata ee ay ula dhaqmeyso dibad-baxayaasha nabdoon," ayuu yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Ned Price.

Tan iyo makii ay billowdeen mudaaharaadyada dalka oo dhan ah bishii Sebtembar ka dib markii gacanta booliska ay ku dhimatay Mahsa Amini oo 22-jir aheyd, ayaa kooxaha xuquuqul insaanka ee lagu kalsoon yahay waxay qiyaasayaan in in ka badan 19,000 oo qof loo xiray mudaaharaadyada; in ka badan 500 oo qof ay ciidamada ammaanka Iran dileen; in ka badan toban lagu lagu xukumay dil; waxaana la ogyahay in afar qof la toogtay.

Shakhsiyaadka uu Maraykanku dhawaan cunaqabataynta saaray waxaa ka mid ah dhawr hoggaamiye oo sarsare oo ka tirsan IRGC, kuwaas oo ah jilaaga ugu muhiimsanaa ee waxashnimada hadda socota. Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa bayaan ku xusay in laba ka mid ah, oo kala ah Mohammad Nazar Azimi iyo Karoush Asiabani, ay amar siiyeen cutubyada IRGC ee lagu eedeeyay inay geysteen qaar ka mid ah falkii ugu xumaa ee ciidamada ammaanka Iran tan iyo bilowgii mudaaharaadyada.

Falalkaas waxaa ka mid ah in la rasaaseeyay dibadbaxayaal aan hubaysnayn oo loo adeegsaday rasaas nool, iyo in la duqeeyo gawaari doonayay in ay bacaha dhiigga u geeyaan dadka dhaawaca ah ee yaalla isbitaallada deegaanka.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Price ayaa sheegay in magacyadan cusubi ay “farriin cad u dirayaan taliska Iran: In dunidu ay daawanayso, caalamkuna uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabo ay kaga jawaabayaan rabshadaha ay saraakiisha Iran ku hayaan dadkooda. … Haddii Iran ay sii wado ku lug yeelashada xadgudubyadan xuquuqul insaanka, ayuu ku dhawaaqay afhayeenka Price, "waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis badan saarno Iran."

Sida uu yiri Xoghaye Blinken, Mareykanka "wuxuu sii wadi doonaa inuu garab istaago Iraniyiinta geesiyaasha ah ee u taagan xuquuqdooda aasaasiga ah, oo ay hogaaminayaan haweenka da'da yar ee geesiyaasha ah – waxay waxaas oo dhan sameynayaan iyaga oo wajahaya cadaadis aan caadi ahayn."

XS
SM
MD
LG