Accessibility links

Breaking News

Shan sano ka hor, Syria oo gaas u adeegsatay shacabka Douma


FILE - Syrians walk through destruction in the town of Douma, the site of a suspected chemical weapons attack, near Damascus, Syria, April 16, 2018.
FILE - Syrians walk through destruction in the town of Douma, the site of a suspected chemical weapons attack, near Damascus, Syria, April 16, 2018.

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Ku dhowaad shan sano ka hor, saacadihii hore ee fiidnimadii 7-dii April, 2018-kii, ugu yaraan diyaarad helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Suuriya ayaa magaalada Douma ee dalkaasi ku ridday laba silyuun oo ay ku jiraan gaaska sunta ah ee chlorine, waxaana ku dhintay 43 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Haddana, weerar kale oo kiimiko ah, sannado badan oo dagaallada bahalnimada ah ee rajiimka Suuriya ee ka dhanka ah dadkiisa ayay dadka la socda ee ku nool daafaha caalamka ku noqotay mid laga naxo.

Tallaabada uu taliska Suuriya ku diiday in kormeerayaasha hubka caalamiga ah ay si degdeg ah u tagaan goobta la weeraray ayaa hor istaagtay in dhacdadan la baaro, taasi oo ka dhigaysa shaqada kormeerayaasha mid aad u adag. Dhanka kale, Suuriya ayaa si adag u beenisay in ay hubkaasi adeegsatay, iyadoo Ruushka, oo ah saaxiibka dhow ee Suuriya, uu arrintan soo farageliyey.

Ruushka iyo Suuriya ayaa sidoo kale bilaabay olole kale oo ballaaran oo ay warar marin-habaabin ah ku gudbinayaan, si ay u daboolaan waxa ay sameeyeen. Waxa ay si been abuur ah u sheegeen in dhacdadu ay ahayd mid la soo agaasimay; in gaaska kiimikada ah iyo maydadkaba goobta ay dhigeen kooxaha fallaagada maxalliga ah iyo in gaaska sunta ah laga keenay bakhaar goobta u dhow oo ay isticmaalaan fallaagadu; ama in dhibanayaasha lagu dilay goobo kale loona qaaday Douma.

Muddadaasi oo dhan, ciidamada Ruushka iyo kuwa Suuriya waxa ay dhab ahaantii nadiifinayeen goobta uu weerarku ka dhacay, iyagoo meesha ka saarayay caddaymaha xaqiiqda taabanaya, sawiro marag ah, kuna qasbayay markhaatiyaasha in ay taageeraan dacaayaddooda khariban.

Saddex bilood ka dib, Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada, ama OPCW, ayaa soo saaray warbixintii ugu horreysay ee ku saabsan weerarkan iyadoo sheegtay in xaqiiqdii muwaadiniinta Douma lagu weeraray hub kiimiko ah.

Warbixintii ugu dambeysay ee 27-ka January ee 2023-ka uu soo saaray OPCW ayaa sheegtay in “fiidnimadii 7-dii Abriil ee 2018-kii, ugu yaraan diyaarad helikopter oo ka tirsan Unugga 'Tiger Forces' ee Suuriya ay laba silyuun oo jaalle ah oo ay ku jiraan gaasta koloriinta sunta ah (chlorine gas) ku buufisay laba dhisme oo dabaq ah oo ku yaalla aag ay dad rayid ah degenaayeen oo ka tirsan magaalada Douma, waxaana ku dhintay 43 qof oo magacyadooda la yaqaanno, kuna dhaawacmeen tobanaan kale."

Kadib markii warbixintaasi la baahiyay, Mareykanka, UK, Faransiiska, iyo Jarmalka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku canbaareynayaan taliska madaxweynaha Suuriya Bashar Assad ee qaaday weerarka kiimikada loo adeegsaday ee dadka badan ku dilay magaalada Douma. Bayaanka ayaa lagu yiri “warbixintu waxa ay beeninaysaa sheegashada Ruushka ee ah in weerarkaasi ahaa mid uu mucaaradka qaaday.”

“Suuriya waa in ay si buuxda u caddeysaa ayna burburisaa barnaamijkeeda hubka kiimikada oo ay dalkeeda u oggolaataa in shaqaalaha OPCW ay tagaan si ay u xaqiijiso in ay weerarkaasi fulisay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxa aan ugu yeereynaa Dowladda Federaalka Ruushka in ay joojiso in ay Suuriya ka ilaaliso in lagala xisaabtamo adeegsiga hubka kiimikada ah. War kasta oo marin-habaabin ah oo ka soo baxa Kremlin-ka ma dabooli karo gacanta ay siineyso maamulka Assad.”

“Waxa aan bogaadinaynaa shaqada ay ku dheehan tahay madax- banaanida, eex la’aanta, iyo khibradda ee shaqaalaha OPCW, waxa aan cambaareynaynaa adeegsiga hubka kiimikada ee goobkasta, qofkasta iyo xaalad kasta. Waxa aan sidoo kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay in aan la xisaabtanno kuwii ka danbeeyey dhammaan weerarrada hubka kiimikada ah ka dhacay Suuriya iyo dalalka ka baxsan.”

XS
SM
MD
LG