Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ballaariyey xayiraadaha ka dhanka ah Kooxda Wagner


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Maraykanka ayaa ballaarinaya cunaqabateynada ka dhanka ah kooxda Wagner, oo ah ururka leh ciidamo aan dowlad ka tirsaneyn, taageerana ka hela Kremlin-ka, kooxdaasi oo uu madax u yahay Yevgeniy Prigozhin.

Xubnaha kooxdan ayaa Ukraine iyo meelo kale oo caalamka ahba ka gaystay tacaddiyo iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Cunaqabataynta Maraykanka ayaa beegsaneysa kaabayaasha muhiimka ah ee kooxda Wagner iyo shirkadaha kale ee xiriirka wada shaqeynta la leh, dhaqdhaqaaqyada kooxda ee waaxaha dahabka iyo dheemanka, hawlgalladeeda furimaha dagaalka ee Ukraine, soo saarayaasha hubka Ruushka, iyo kuwa maamula aagagga uu Ruushku qabsaday ee Ukraine.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, ayaa yiri “tallaabadan waxa ay taageereysaa hadafkeenna ah in aan hoos u dhigno awoodda Moscow ay ku qaadi karto dagaal ka dhan ah Ukraine, kor loogu qaado in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah dagaalka gardarrada ah ee Ruushka iyo xadgudubyada la xiriira, iyo in cadaadis dheeraad ah la saaro waaxda difaaca ee Ruushka.”

Kooxda Wagner ayaa la wariyey in konton kun (50,000) oo askari ay u daabushay Ukraine, waxaana ka mid ah toban kun (10,000) oo qandaraasleyaal ah iyo afartan kun (40,000) oo ah dembiilayaal xabsiyada Ruushka laga soo qortay, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Cunaqabateynta cusub ee ay dhowaan ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah kuwa beegsanaya kaabayaasha kala duwan ee muhiimka ah ee kooxda Wagner - oo ay ku jiraan shirkad diyaaradaha ah oo ay isticmaasho Wagner, urur qaabilsan dacaayadda loo sameeyo Wagner, iyo shirkadaha safka hore ee Wagner.

Intaasi waxaa dheer, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin ay xannibaado dhanka dalku galka ah (visa) ugu soo rogtay 531 xubnood oo ka tirsan ciidamada militariga ee dowladda federaalka ah ee Ruushka, sababo la xiriira falalka khatarta ku ah qarannimada, madaxbannaanida dhuleed, ama madaxbannaanida siyaasadeed ee Ukraine.

Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa kooxda Wagner u asteysay in ay mas’uul ka tahay rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (Central African Republic) iyo sababo kale. Markii ugu horeysay, waxa uu Maraykanku kooxda Wagner u aqqoonsaday urur dambiyeed weyn oo caalami ah, waxa uuna kordhinayaa cunaqabataynta hadda saaran kooxda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “shaqaalaha Wegner ayaa ku kacay falal dambiyeedyo halis ah oo joogto ah, oo ay ka mid yihiin dil wadareed, kufsi, afduubka carruurta iyo xadgudub jireed ay ka gaysteen Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Mali.”

Cunaqabataynta la ballaariyay ee uu Maraykanka saaray kooxda Wagner ayaa qireysa sida ay kooxdu u noqotay khatar caalami ah oo ka jirta meelo ay ka mid tahay Afrika iyo dagaalka naxariis-darrada ah ee Ruushku ka wado Ukraine.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Blinken ayaa yiri, “Maraykanku waxa ay ku taagan yahay go’aankeenna ka dhanka ah duullaanka Ruushka iyo hab-dhaqannada kale ee xasillooni-darrada ah ee uu ka wado dunida oo dhan.”

XS
SM
MD
LG