Accessibility links

Breaking News

Kuuriyada Koonfureed ayaa weli ah saaxiib muhiim u ah Maraykanka


USA-SOUTHKOREA/
USA-SOUTHKOREA/

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Si loo xoojiyo iskaashiga labada dal, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuuriyada Koonfureed Park Jin ayaa saxeexay nuqulka wax laga beddelay ee heshiiska Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Maraykanka iyo Kuuriya.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dadaalaya sii xoojinta xiriir amni oo waara oo ay yeeshaan, Xoghaye Blinken ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida marin biyoodka Taiwan.

Waxaan la shaqeyneynaa wadamada kale si aan u hormarino mudnaanta wadajirka ah, sida kobcinta barwaaqada dhaqaale ee loo dhan yahay ee dalalka ku yaalla Indo-Pacific iyo wixii ka baxsan, oo ay ku jirto iyada oo loo marayo heshiiska dalalka Indo-Pacific ee Barwaaqada iyo Iskaashiga Amniga Macdanta.

Isbahaysiga Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxa uu ku fidsan yahay meel ka baxsan gobolka Indo-Pacific.

Tan iyo markii madaxweyne Putin uu ku duulay Ukraine, Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Kuuriya waxay u istaageen si wadajir ah, oo ay weheliyaan xulafada kale, si ay u soo rogaan cunaqabatayn aan hore loo arag iyo xayiraadda dhoofinta ee loogu talagalay in lagu wiiqo qalabka dagaalka ee Ruushka, iyo sidoo kale in la taageero dadka Ukraine si ay u difaacaan dalkooda.

Bishan Oktoobar waxaan u dabaal dagi doonaa sanad guuradii 70aad ee Isbaheysiga Jamhuuriyada Kuuriya ee Mareykanka. "Toddobaatankii sano ee la soo dhaafay, isbahaysigeennu wuxuu xaqiiqdii ahaa mid nabad ilaalinaya," ayuu yidhi Xoghaye Blinken. "Waxaan ku kalsoonahay inaan qaadnay tallaabo kale oo ku aaddan mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh oo anfaca dadka dalalkeenna, Indo-Pacific, iyo adduunka."

XS
SM
MD
LG