Accessibility links

Breaking News

Cunaqabatayenta kuwa maal-geliya Xizbullah


Lebanon Iran Hezbollah
Lebanon Iran Hezbollah

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Dowladda Maraykanka ayaa ku eedeeysay shabakad maaliyadeed oo uu hormuud ka yahay mid ka mid ah milkiilayaasha shirkadaha sarafika ee Lubnaan oo lagu magacaabo Hassan Moukalled, shabakadan ayaa fududaysa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Hezbollah.

Moukalled waxa uu sheegtaa in uu u ololeeyo horumarinta dhaqaalaha Lubnaan balse taa badalkeeda waxa uu ka shaqaynayaa sidii isaga iyo Xisbullah ay uga macaashi lahaayeen dhibaatada dhaqaale ee Lubnaan.
Marka laga soo tago Moukalled, Waaxda Khasnadda ee Maraykanka ayaa u magacawday shirkadda CTEX Exchange, oo ah hay'ad uu aasaasay Moukalled oo la shaqaysa Xisbullah si looga faa'iidaysto baahida kordhaysa ee adeegyada sarrifka lacagaha ee Lubnaan iyo inay ka faa'iidaystaan Xisbullah. CTEX waxay bixisay doolarka la siiyo hay'adaha Xisbullah iyo shaqaaleysiinta sariflayaasha daacadda u ah Xisbullah.

Hassan Moukalled waxa uu si toos ah ugu ololeeyay CTEX oo ka dhaadhiciyay guddoomiyaha bangiga dhexe, halkaas oo uu Moukalled macaamiishiisa ka heli jiray lacag boqolaal kun oo doolar ah maalin kasta.
Wiilka weyn ee Hassan Moukalled, Rayyan Moukalled, wuxuu 2021 kala shaqeeyay sarkaalka Xisbullah Muhammad Qaasim al-Bazzal arrimaha la xiriira maaliyadda. Laga bilaabo bartamihii 2022, Rani Moukalled iyo walaalkiis Rayyan Moukalled waxay ka mid ahaayeen dhowr qof oo uu aabahood u oggolaaday inay wax kala iibsadaan iyagoo CTEX ka wakiil ah Bangiga Dhexe ee Lubnaan.

Rayyan Moukalled waxa loo asteeyay in uu si wax ku ool ah u caawiyay, kafaala qaaday, ama u fidiyay taageero dhaqaale, agab, ama tignoolajiyadeed, ama alaabo ama adeeg ama taageero, Hassan Moukalled, oo ah qof hantidiisa la xannibay si waafaqsan xeerka tirsigiisu yahay E.O. 13224. Rani Moukalled waxaa lagu eedeeyay inuu u dhaqmay amma sheetay inuu matalo shirkadda CTEX. Oo ah shirkad xayiraad lagu soo rogay.

"Inkasta oo uu [Xasan] Moukalled isku dayay inuu sii wado sheegashada ah inuu yahay khabiir dhaqaale iyo dhaqaale yahan, dhab ahaantii waa ganacsade danayste ah oo ka faa'iidaysanaya dadka tabaalaysan ee Lubnaan si uu dhaqaale ugu taageero ururka argagixisada ah ee Hezbollah, oo uu xitaa ka caawiyo sidii ay hub u heli lahayd," ayuu yidhi afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price. Xayiraaddan ayaa digniin kale u ah kuwa taageera kooxaha argagixisada ah in Maraykanku sii wadi doono la xisaabtanka falalkan.

XS
SM
MD
LG