Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado dal-ku-gal kusoo rogay Taliban


AFGHANISTAN-CONFLICT/ANNIVERSARY
AFGHANISTAN-CONFLICT/ANNIVERSARY

Tani waa faallo ka tarjumeysa arragtida dowladda Mareykanka

Maraykanku waxa uu qaadday tallaabo dheeraad ah oo ku aaddan xayiraadaha dal ku galka xubnaha Taliban ee hadda iyo kuwii hore, xubnaha kooxaha ammaanka ee aan dawliga ahayn, iyo shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay mas'uul ka yihiin, ama ku lug leeyihiin, caburinta haweenka iyo gabdhaha Afgaanistaan. Xubnaha qoyska u dhow dadkaasi ayaa sidoo kale laga yaabaa in lagu soo rogo xayiraadaha fiisaha, ee lagu dabaqay sharciga socdaalka iyo jinsiyadda.

Xeerarkii ugu dambeeyay ee Taliban ayaa ka mamnuucaya haweenka jaamacadaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo inay ka shaqeeyaan hay'adaha aan dowliga ahayn, waxayna sii kordhiyeen tallaabooyinkii hore ee Taliban ee ahaa in la xiro dugsiyada sare ee gabdhaha iyadoo sidoo kale la xaddidey awoodda haweenka iyo gabdhaha inay ka qayb qaataan arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha Afgaanistaan.

"Go'aamadan, Taalibaan waxay mar kale muujiyeen sida ay uga xun yihiin daryeelka dadka Afgaanistaan," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Illaa hadda, falalka Taliban waxay ku qasbeen in ka badan hal milyan oo gabdho Afgaanistaanyiin ah oo jooga da’da iskuulka iyo haweenka da'da yar ee Afgaanistaan ah inay ka joogsadaan iskuullada iyo haween aan tiro lahayn ay ka joogsatey jaamacadaha iyo goobaha shaqada. Tirada haweenka ee arrintani heysata way kordhi doonaan waxay kori doonaan oo keliya marka uu wakhtigu sii socdo, taasoo ka sii dari doonta dhibaatooyinka dhaqaale iyo bini'aadantinimo ee waddanku horeba u darnaa.

"Tayada haweenka iyo gabdhaha, badbaadada, iyo waxbarashada loo dhan yahay iyo ka qaybgalka xoogga shaqadu waxay lama huraan u tahay kobcinta iyo xoojinta dhaqaalaha, yaraynta sinnaan la'aanta, iyo kobcinta xasilloonida," ayuu yiri Xoghaye Blinken. Wuxuu ka digay in "Taalibaan aysan filan karin ixtiraamka iyo taageerada beesha caalamka ilaa ay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dhammaan Afgaanistaaniyiinta oo ay ku jiraan haweenka iyo gabdhaha."

Xoghaye Blinken ayaa yiri "Waxaan sii wadeynaa inaan si dhow ula shaqeyno xulafada iyo saaxiibbada adduunka oo dhan si aan ula xiriirno Talibaanka si cad in ficilladoodu ay keenanayaan uun in uu xirmo dariiqa hagaajinta xiriirka ay caalamka la leeyihiin."

Runtii, "Go'aamada Taliban waxay mar hore ka hor istaageen bixinta gargaarka muhiimka ah inta lagu guda jiro muddada qaboobaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale," ayuu yiri Nicholas Hill, ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay.

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno in haweenku ay si buuxda uga mid noqdaan bixinta gargaarka ee Afgaanistaan oo ammaan ah, oo aan caqabad lahayn iyadoo la siinayo dadka aadka u nugul - oo ay ku jiraan haweenka iyo gabdhaha."

"Maraykanku," ayuu yiri Xoghaye Blinken, "wuxuu garab taagan yahay dadka reer Afgaanistaan, waxaana ka go'an inaan samayno wax kasta oo aan awoodno si aan kor ugu qaadno oo aan u horumarino ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dhammaan dadka reer Afgaanistaan , oo ay ku jiraan haweenka iyo gabdhaha."

XS
SM
MD
LG