Accessibility links

Breaking News

Ballan-qaad lagu taageerayo Ukraine


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Hal sano ka dib duulaankii aan daandaansiga laheyn ee Ruushka ee Ukraine, waxaa muhiim ah in la ogaado in Maraykanku uu si joogto ah u raacay laba waddo oo aheyd in uu Ruushku kala dooran karo, ayay tiri Karen Donfried, Kaaliyaha Xoghayaha Yurub iyo Eurasia.

“Mid waxay ahayd wada hadal iyo diblomaasiyad; Midda kale waxay aheyd weerarka Ruushka oo dhali kara cawaaqib darran. Annaga iyo Ukraine waxaan sameyney dadaallo daacad ah si aan u raacno wadadii hore ee wadahadalka iyo dibloomaasiyadda, balse Febraayo 24 ee sannadkii hore, Putin, nasiib darrose iyo musiibo, wuxu doortay dagaal.

"Putin waxa uu filayey guul degdeg ah," ayuu tiri kaaliyaha xoghayaha Donfried, "laakin waxa uu si joogto ah u dhayalsaday go'aanka dadka Ukraine iyo rabitaankooda iyo awooddooda ay ku difaacaan xoriyadooda iyo dimuqraadiyadooda." Duullaanka Ruushka ee Ukraine waa mid aan loo qiil dayin oo sharci darro ah.

Maraykanka iyo xulafadiisa iyo saaxiibbadiisa waxay ku soo rogeen cunaqabatayn, kontaroolada dhoofinta, xayiraado fiisooyinka ah si ay u beegsadaan Putin, mishiinkiisa dagaalka, iyo awood-bixiyayaashiisa, iyaga oo leh hal ujeedo oo keliya: in la joojiyo dagaalkan oo laga ilaaliyo Ruushka inuu mar kale ku sameeyo dal kale oo deris ah, ayay tiri. Kaaliyaha Xoghayaha Donfried:

"Way ku caddahay ficilladiisa Madaxweyne Putin wax rabitaan ah uma hayo diblomaasiyadda. Duqeymaha soo noqnoqda ee Ruushka ayaa ku dhacay iskuulo, isbitaallo, kaniisado, dhismayaal dabaq ah, iyo kaabayaasha muhiimka ah. Ruushka kaliya ayaa soo afjari kara dagaalkan maanta. Waxaan ku celcelineynaa baaqyada madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ee ku aaddan nabad waarta, oo aqoonsan madax-bannaanida Ukraine iyo sharafkeeda."

Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero Ukraine oo uu ka caawiyo inay isdifaacdo ilaa inta ay ku qaadato. Haddii Putin uu guuleysto, waxa ay dunida ka dhigi kartaa mid khatar badan, dalalka kalena ay aad ugu nugul yihiin gardarada Ruushka.

Madaxweyne Joe Biden waxa uu aaminsan yahay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay ku xoog badan yihiin markey wada jiraan. "Tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka gardarada ah ee Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine," ayuu tiri Kaaliyaha Xoghayaha Donfried,

"waxaan helnay xiriir joogto ah oo ku saabsan waxa aan wada sameyn karno si aan Ruushka ula xisaabtano oo aan ugu soo rogno cawaaqibka dagaalkooda naxariis darada ah. In kasta oo aynaan had iyo jeer wadaagin hab-siyaasadeed isku mid ah, labadayaduba waxaan wadaagnaa ballan qaadka ah in aan ilaalino nidaamka ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah ee ku qotoma ixtiraamka madaxbanaanida dhulalka iyo xurriyadda.”

XS
SM
MD
LG