Accessibility links

Breaking News

Korea-da Koonfureed - Isbaheysi soo jireen ah oo Mareykanka uu leeyahay


USA-SOUTHKOREA/
USA-SOUTHKOREA/

Tani faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa u ah Mareykanka saaxiib muhiim ah oo soo jireen ah oo istaraatiijiyadeed.

Si loo xoojiyo iskaashiga labada dal, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Park Jin waxay saxiixeen nuqulka heshiiska Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

"Iskaashi ku saleysan Seyninka waa mid ka mid ah meelo badan oo ay waddamadeenu iska kaashanayaan kuwaas oo faa’iido u leh dadkeenna.”

"Waxaan dib u xaqiijinay sida ay nooga go'an tahay horumarinta difaaca isbahaysiga ee ka dhanka ah khataraha guud, iyo sidoo kale sida ay nooga go'an tahay in aan difaacno Jamhuuriyadda Kuuriya annaga oo adeegsanayna dhammaan awoodaha Mareykanka."

"Waxaa naga go'an in Gacanka Kuuriya laga baab’iyo Nugliyerka.”

"Waxaan kordhineynaa iskaashiga amniga saddex geesoodka ah ee aan la leenahay Japan, taas oo naga dhigaysa kuwa xooggan si aan wax uga qabanno khataraha amniga ee aan wadaagno, oo ay ku jiraan gantaalada sharci darrada ah iyo kuwa aan taxadar lahayn ee DPRK."

"Tan iyo markii Madaxweyne Putin uu bilaabay dagaalkiisii arxan darada ahaa ee aan loo meel dayin ee Ukraine, dalalkeenu waxay u istaageen si wadajir ah, oo ay weheliyaan xulafada kale iyo saaxiibada, si ay u soo saaraan cunaqabatayn aan horay loo arag iyo kontaroolidda dhoofinta ee loogu talagalay in lagu xayuubiyo mashiinka dagaalka ee Ruushka, iyo sidoo kale in la taageero dadka Ukraine sida ay u difaacayaan dalkooda."
"Toddobaatankii sano ee la soo dhaafay, isbahaysigeennu wuxuu dhab ahaantii sii waday nabadda."

"Waxaan ku kalsoonahay inaan qaadnay tallaabo kale oo ku aaddan mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh oo anfaca dadka dalalkeenna, Indo-Pacific, iyo adduunka."

XS
SM
MD
LG