Accessibility links

Breaking News

Caruurta iyo dagaallada hubeysan


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Meelo badan oo colaado ka jiraan, ayaa carruurta la afduubtaa, waxaa looga faa'iideystaa siyaabo khaldan sida iyo galmada sharci darada ah iyi in lagu qasbo dagaal, Lisa markaana dil ama dhaawac loo gaysto.

Richard Mills, ku Xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa yiri "Carruurta, gaar ahaan gabdhaha, waxaa la soo derisa falal naxdin leh oo xadgudub ku salaysan jinsiga." "Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay tirada sii kordhaysa ee gaadhaysa 41 boqolkiiba ee afduubka gabdhaha addenda, kuwaas oo markaa la afduubto loo gaysto xadgudubyo ku saleysan jinsiga sida guurka khasabka ah, kufsiga, iyo noocyada kale ee xadgudubyada galmada."

"Carruurta ku sugan aagagga iskahorimaadyadu waxay la kulmaan caqabado difaac oo la’an."

"Itoobiya, kumannaan carruur ah ayaa laga barakiciyay guryahoodii, laga saaray qoysaskooda, waxaana loo geystay tacaddi dhanka galmada ah."

"Afqaanistaan, qaababka carruurta loola dhaqmaa taasi kama foga, guurka qasabka ah iyo qoritaanka Askarinimada ayaa curyaamiyey badqabka jireed iyo shucuurta dareenka carruurta iyo dhalinyarada."" "Ukrayn, duulaanka baaxadda leh ee arxan darada ah ee Ruushku ku qaaday ayaa saameyn xun ku yeelanaya carruurta."

"Waxaa lagu soo waramayaa in Ruushku uu ku hawlan yahay raritaan baaxadleh oo lagu sameeyo carruurta Ukraine ee ku sugan dhulka uu Ruushka ka taliyo iyo meelaha uu dagaalada ku qabsaday Ruushka ee Ukraine”

"Markaynu qaadno tallaabooyin ka hortag ah si aan u ilaalino carruurta, waxaynu ilaalineynaa mustaqbalkeena si wadajir ah.”

"Si looga hortago xadgudubyada mustaqbalka ee ka dhanka ah carruurta, waa inaan u cadeynaa kuwa falalkan geysta in lala xisaabtami doono."

XS
SM
MD
LG