Accessibility links

Breaking News

Ukraine: Hal sano oo xadgudub aan kala sooc lahey lagu sameynayo xuquuqda aadanaha


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka


Warbixintani waa Faallo ka turjumaysa aragtida Dowladda Mareykanka:
Sannadkii la soo dhaafay, markii uu bilawday duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine bishii February 2022, waxa soo ifbaxday ku xadgudubka guud ee joogtada ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciyada caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

“Yaan lagu khaldamin, xasuuqu wuxuu ka soda waa dhinac qudha," ayuu yiri danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva, Keith Harper, oo haatan ah dhexdhexaadiye ama ergey sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ee uu Sababay duulaanka gardarrada ah eeRuushka ee ka dhanka ah Ukraine.

"Maraykanku waxa uu rumaysan yahay in ciidamada Ruushku ay dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada ka geysteen Ukraine," ayay tidhi ergeyga joogtada ah ee Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

“Caddaymaha aanu haynaa waa kuwo aad u badan.”

“Guddiga Madaxa Bannaan ee Baadhista Caalamiga ah ee Ukraine iyo Hawlgalka Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee Ukraine, waxay diiwaangeliyeen xad-gudubyo kala duwan iyo xad-gudubyo kale oo ay geysteen ciidamada Ruushku. Xukunada dilka ah oo kooban. Xabsiyada aan sharciga ahayn. Jirdilka, kufsiga, iyo noocyada kale ee xadgudubyada jinsiga ku saleysan iyo xadgudubyada galmada. Waxaan ognahay in haweenka, carruurta, dadka waaweyn, dadka naafada ah, iyo kooxaha kale ee la takooro ay aad ugu nugul yihiin weerarradan."

kumanaan caruur ah. Qaar ka mid ah carruurtan ayaa ku agoomoobay dagaalkan. Qaarna waxay horeba ugu noolaayeen goobo baahiyo caafimaad oo daran ay qabaan,” ayuu tidhi danjire Thomas-Greenfield.

"waxa dhacday in marar badan, waalidiintu ay carruurta u dirayeen goobo ay u malaynayeen inay yihiin 'xeryaha dalxiiska ee xagaaga’ ee loo yaqaano Summer Cambs ka, laakiin waa loo diiday inay la xiriiraan oo dib ula midoobaan carruurtooda. Sidoo kale waxa dhacday waalidiintu inay diideen in carruurtooda u diraan 'xeryaha'

Waxaan haynaa caddayn ah in Madaxweyne Putin iyo Kremlin-ku ay si firfircoon ugu hawlan yihiin dadaallo lagu beeninayo oo lagu xakameynayo eedaha uga imanaya qabsashada Ukraine,”

"Waxaa jiri doona isla xisaabtan ku saabsan xasuuqa Ruushku gaystay"
"Laakiin hadda, waxa ay dadka Yukreeniyaanka ahi ay aadka ugu baahan yihiin waa nabadda. Sida madaxweyne Biden uu sheegay todobaadkan, ‘Madaxweyne Putin ayaa doortay dagaalkan. Maalin kasta oo dagaalku wuu sii socdaa waa doorashadiisa.’”

“Fariintayada Madaxweyne Putin waa tan: Jooji dagaalkan. Jooji ololahaaga naxariis-darrada ah. Jooji dhibaatada ay ciidamadaadu ku hayaan Ukraine iyo adduunkaba. Laakiin ilaa maalintaasi ay timaado, waa inaan dhammaanteen garab istaagnaa Ukraine,” ayay tidhi Danjire ThomasGreenfield. "Dhammaanteenna waa inaan u istaagnaa isla xisaabtanka annaga oo wajahayna xadgudubyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah ee aan laga fiirsan."

XS
SM
MD
LG