Accessibility links

Breaking News

Ilaalinta nabadda iyo ammaanka Indo-Pacific


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

13-kii Maarso, isagoo garab taagan Ra'iisul Wasaarayaasha Australia iyo Boqortooyada Ingiriiska, Madaxweyne Joe Biden wuxuu ku dhawaaqay horumar weyn oo ku saabsan heshiiska amniga saddex geesoodka ah ee 2021 ee loo yaqaan AUKUS.

Sida ku-xigeenka Xoghayaha Xakamaynta Hubka iyo Amniga Caalamiga ah Bonnie Jenkins ay ku sharaxday waraysi dhowaan lala yeeshay, “AUKUS waa iskaashi ka dhexeeya Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Australia, mid ka mid ah dhinacyada aasaasiga ah ee iskaashigan waa in la xoojiyo nabadda iyo amniga Gobolka Pacific."

Iyadoo sii hadashay ayay tiri “tiirka koowaad waa tallaabada Mareykanka iyo UK ay ku caawinayaan Austarlia si ay u siiyaan maraarkiibta gujiska ee tamarta Nuclear-ka, tiirka labaadna waa in lala shaqeeyo wadamada kale marka loo fiiriyo iskudayga horumarinta teknolojiyadda casriga ah, kuwaas oo ay kujiraan sirddonka la farsameeyay, madaxbanaanida iyo ka hortagga dagaalka teknolojiyadda”

Ku-xigeenka Xoghaye Jenkins ayaa xustay in maraakiibta quwadda Nukliyeerka ah ay ku jireen Badweynta Baasifigga muddo tobanaan sano,

Waxayna tiri “Mareykanka iyo UK 60 sano ayay lahaayeen maraakiibta gjiska ee ku shaqeeya tamarta Nuclear-ka, sidoo kalena waxaa jira dalal kale oo iyagana adeegsaday gujisyada nuclear-ka, kuwaas oo ay kujiraan China Russia, India iyo France.

Dhab ahaantii, laga bilaabo intii ka dambaysay ku dhawaaqistii ugu horreysay ee iskaashiga AUKUS, ayay sheegtay ku-xigeenka Xoghayaha Jenkins, in Madaxweyne Biden uu caddeeyay in faafitaan la'aanta nukliyeerka ay tahay mudnaanta koowaad.

Mas’uuliyiinta 3da dal ee Maraykanka, Britain iyo Australia saddexda ayaa si joogto ah ugu socdaalayeen Vienna si ay ula kulmaan khubarada wakaaladda IAEA si ay u hubiyaan in AUKUS ay buuxinayso waajibaadyada Heshiiska Nukliyeerka .

ku-xigeenka Xoghayaha ayaa dhinaca kale sheegtay inay dhab ahaantii muhiim tahay inay hormariyaan isbahaysiga ay la leeyihiin saaxibada gobolka, si ay u xaqiijiyaan mustaqbalka arrimaha nabadda iyo amniga.

Waxay kaloo tilmaantay inay fursad u aragto in dhamaan dhinacyada sayniyahannada warshadaha iyo badmaaxyada ay wada shaqeeyaan ayna hormariyaan technolojiyadda.

XS
SM
MD
LG