Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.
Dhageysiga dacwaddo ka dhan u dhaq-dhaqaaqe arrimaha dimoqraadiyadda iyo difaacista xuquuqda aadanaha Ruushka ninka la yiraahdo Vladimir Kara-Murza ayaa iyada oo ay albaabada u xiranyihiin ka bilaabatay magaalada Moscow 13-kii Maarso.
Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa saddex dacwadood oo dano siyaasadeed laga leeyahay ku soo oogay Kara-Murza, kuwaas oo la xiriira hadallo uu kaga soo horjeestay duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine. Hadii lagu helo danbiga, waxa uu wajihi doona tobanaan sano oo xabsi ah.
Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo soo daayo. Kara-Murza ayaa la xiray bishi April sannadki 2022 tan iyo markaasna waxaa lagu hayay xabsiga. Waxaa lagu eedeeyay faafinta warar been abuur ah oo uu ka sameeyay ciidanka Ruushka, isla markiiba waxaa lagu calaameeyay inuu yahay jaajuus ajnabi.
Eedaha dheeraadka ah ee lagu soo eedeeyay waxaa ku jira khiyaano qaran iyo iskaashi uu la yeeshay urur aanan la rabin.
Kara-Murza oo soo noqday lataliyaha hogaamiyihii mucaaridka ee la dilay Boris Nemtsov, ayaa si dhiiranaani ku jirto u difaacay xaquuqda aadanaha ee Ruushka, hase yeeshee si is daba joog ah ayaa waxa uu bartilmaameed ugu ahaa maamulka Ruushka si ay u cabburiyaan. Sannadki 2015-ki iyo 2017-ki ayuu la kulmay weeraro sun aad u daran ah oo wax loogu daray. Wuxuu rumeysanyahay in sumeyntaasi ay xiriir toos ah la leedahay aragtidiisa siyaasadeed.
Horraantii March, Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn saartay lix muwaadin oo Ruush ah, waxay ku muteysteen doorka ay ku leeyihiin xadgudubyo halis ahoo ka dhan ah xaquuqda aadanaha ee Kara-Murza.
Waaxda Maaliyadda ayaa calaamadeysay saddexdaan: Andrei Andreevich Zadachin, oo ah baare gaar ah oo uu magacaabay Madaxa Agaasinka Danbibaarista, kaas oo amray in kiis danbi oo ka dhan ah Murxa laga gudbiyo. Kiiskaas ayay uga jawaabayaan aragtidiisa ku aadan diidmadiisa dagaalka. Elena Anatolievna Lenskaya, waa garsoore kor kala socotay maxkamadeynti ka hor xariga Kara-Murza, waxay amartay in xabsiga lagu sii hayo inta aanan la xakumin. Qofka saddexaad waa Danil Yurievich Mikheev, wuxuu u iska dhigay khabiir marqaati ah isaga oo Dowladda Ruushka kala shaqeeeyay kiiska ka dhanka ah Kara-Murza.
Tallaabo dhameystiran, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dhawaaqday xannibaadaha fiisaha ee ka dhanka ah Lenskaya iyo Zadachin, taasoo ka dhigeysa iyaga iyo qoysaskooda dhow inaysan u qalmin gelitaanka Mareykanka.
Intaa waxaa dheer, Waaxda Arrimaha Dibadda waxay cunaqabatayn saartay saraakiisha dawladda Ruushka Oleg Mikhailovich Sviridenko, Diana Igorevna Mishchenko, iyo Illya Pavlovich Kozlov. Sviridenko waa wasiir ku xigeenka cadaalada ee Ruushka kaas oo kormeera dacwad oogista kiisaska dambiyada, oo ay ku jiraan kuwa Kara-Murza. Mischenko waa xaakimkii soo saaray go'aankii ugu horeeyay ee lagu ansixiyay xariga Kara-Murza wuxuuna ku xukumay 15 maalmood oo xabsi ah. Kozlovna waa garsooraha diiday racfaankii Kara-Murza ee xukunka xariga.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray ayuu xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken mar kale ku baaqay in si shuruud la’aan ah oo deg deg ah loo sii daayo Kara-Murz.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Mareykanka ay ka go’antahay xaqiijinta in isku dayga Vladimir Putin uu ku aamusinayo dadka dhaleeceynaya uusan guuleysaneyn, isaga oo isku dayaya inuu xakameeyo runta ku saleysan dagaalkiisa wuxushnimada ah ee uu isaga doortay ee uu ku qaaday Ukraine.
Dagaalkaas oo si joogta ah u sababaya dhimasho aan ka fiirsasho laheyn, gabood-fal iyo burbur.