Accessibility links

Breaking News

Kaalmo bani'aadannimo oo dheeri ah oo loogu talo-galay Itoobiya


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Geeska Africa waxaa wiiqay abaaro daba dheeraaday oo aanan horay loo arag. Shan xilli ayay dhibicda roobku ka gaabisay sidi la rabay, iyadoo guga sannadkaan bilaha March iyo Mar laga cabsi rabo in roobku yaraado. Taasi waxay sababtay in gaajo badan ay ka dhaco guud ahaan gobolka.

Dalka Itoobiya, ugu yaraan 20 milyan oo qof ayaa u baahan kaalmo deg deg ah sababo la xiriira abaartaan taariikhiga ah, oo ay uga sii dartay colaad dalkaasi ka socotay labadi sano eelasoo dhaafay.

Mareykanka waa dalka ugu deeqsisan marka loo eego dalalka Itoobiya ka caawiya arrimaha gargaarka bani’aadannimo. “Waxaanu la leenahay iskaashi waara marka ay timaado arrimaha bani’aadannimada ee Itoobiya, taas oo dib ugu laabaneysa muddo tobnaan sano ah,” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Aad ayey muhiim noogu ahayd in aan samayno wax kasta oo aan awoodno si aan u hubinno dadka ay ku habsadeen mid ka mid ah masiibooyinka aadanaha in ay helaan gargaarka ay u baahan yihiin. Runtii, maanta waxaan idinla wadaagi karaa inaan idiin sheego inaan bixin doonno $331 milyan oo dheeri ah oo kaalmo ah iyadoo loo marayo barnaamijkan wadajirka ah ee hawlgallada degdegga ah si aan isugu dayno inaan gaarsiinno dad badan oo ku nool Itoobiya oo u baahan sugnaan cunto, waxaanan fileynaa inaan gaarsiin doono 13 milyan oo kale ama dadka ay sida gaarka ah u saamaysay abaarta."

Wuxuu intaasi raaciyay “Waxaan ku billaabi doonnaa cuntada oo ah waxa ugu muhiimsan waxyaabaha aas aaska u ah nolosha, laakin intaasi waa ay ka qoto dheer tahay kaalmada. Waxaa ku jira wax walba laga soo billaabo alaabta wax lagu nadiifio, dawo ilaa biyo. Waanu sii wadi doonnaa maalinba maalinta ka danbeysa ayuu yiri xoghaye Blinken.

"Sida muhiimka ah, sida lagama maarmaanka ah, sida uu deg degga u yahay gargaarkani, waxaa si isku mid ah innooga go’an inaan si dhaw ula shaqeyno saaxibadeen Itoobiya si aan uga caawinno horumarinta iyo xoojinta awoodooda wax soo saar." Ayuu yiri Blinken.

"Sababtoo ah waxaan ku qanacsanahay, oo aan ku qanacsannahay, in Itoobiya iyo dalal badan oo kale oo Afrikaan ah, ay tahay awoodda wax-soo-saarka muddada-dheer ee u adkeysan karta waxyaabaha sida abaaraha, isbeddelka cimilada, sida cudurrada, kuwaas oo ka faa'iideysan kara khayraadka dabiiciga ah ee aan caadiga ahayn iyo khibrada hore ee wadamadan, taas oo asal ahaan ah jawaabta ugu muhiimsan, si aynaan ula tacaalin xaalad degdeg ah cunto la'aan ama saameynta nooc ka mid ah dhibaatooyinka. ”

Blinken ayaa sidoo kale yiri “Innaga oo la shaqeyneyna bahwadaagteenna si aan u bixinno gargaar deg deg ah, ayaan waxaan si wada jir ah diiradda u saareynaa sidii aan u xaqiijin laheyn ugana shaqeyn laheyn si wada jir ah bixinta maalgelinta nuucaas oo kale ah oo u ogolaan doonta Itoobiya inay si buuxda u xaqiiqsadaan awooddooda wax soo saar ee soo socota.

XS
SM
MD
LG