Accessibility links

Breaking News

Iskaashiga Mareykanka iyo Itoobiya


Faalladan waxey ka turjumaysaa aragada dowlada Mareykanka.

Xalka Afrikaanka ay hoggaamiyaan ayaa si istareysa u samaynaya isbedelka caqabadaha qarniga 21-Aad,” ayuu yiri xog-hayaha arriamaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken mar uu dhowaantan booqdey dalka Itoobiya. Mid ka mid ah markhtaatiyaasha ugu awoodda badan ee muujinaya muhiimadda hoggaanka Africa ah heshiiskii joojintii colaada ee November 2-deedii si loo soo afjaro colaadda iyo dhbaatadda waqooyiga dalka Itoobiya. “Tani waa Guul weyn iyo Tallaabo hore loo aaday, badbaadinta dadka iyo isbedelka nolosha”

“Qoryaha waa La aamusiiyey. Markii dagaalka uu joogsadey, Xadgudubyada xuquuqda aadanaha ayaa hoos u dhacay. Gargaaradda BIniaaadanimo ayaa socda, ugu dambeyntiina waxaa gaaray ku dhowaad dhamaan bulshooyinka garagaaradii ay u baahnaayeen, gobolka Tigray aayaa dib loogu soo celiyey adeegyadii, kooxda TPLF hubka ayaa laga dhigay, Waxaana baxay ciidamada Eritrea iyo kuwa kale ee aanan federal ahayn. Diblomaasiyada ay ka muuqato heelanaanta dhexdhexaadinta ee ka yimid dalal ku jira Midowga Africa, Kenya, Koonfur Africa, oo ay taageertey dowlada Mareykanka, ayaa muhiim u ahayd in la meel mariyo heshiiskan. Waxaa sidoo kale xubin muhiim ah ahaa, iyo habka la socodka Midowga Africa.”

“Waxaan soo dhoweynaynaa ballanqaadyada ay dhinacyadu sameeyeen si ay u qirtaan gabood-falladda la geystay iyo cawaaqibkooda xun, “ ayuu yiri Xog-haye Blinken.

“In la aqoonsado gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada waa tallaabo lagama maarmaan u ah helitaanka nabad waarta. Waxaan ku boorinaynaa Itoobiyanka inay helitaanka nabad waarto. Waxaan ku buoorinaynayaa inay raacaan ballanqaadyadooda midba midka kale si loo hirgaliyo hanaanka caddaaladda ku meelgaar loo dhanyahay oo dhameystiran oo ay ku jiraan dib-u-heshiisiin iyo isla xisaabtan labadaba”

In laga bogsoodo cabashooyinka suntan iyo kala qeybsanaanta qawmiyadaha ayaa ah sida kaliya ee lagu jabin karo qalalaasaha siyaasaddeed iyo kuwa qowmiyadeed ee ka jira waqooyiga, Oromiya, ama meelkasto oo kale ka-hawlgalayaasha dadaalkaas, Mareykanka waxaa uu bixinayaa taageero farsamo iyo mid maaliyeed labadaba.”

Si kastoo ay ahaataba, sababtoo ah, “Dhismaha Nabadda waarta waxaa sii adkaynaya caqabadaha dhaqaale ee ba’an ee Itoobiyaa soo food saartey,” Mareyknaka waxuu sii wadi doonaa Iskaashiga uu Itoobiyaha kala leeyahay haqab-beelka cuntada iyo wax ka badan ayuu yiri Xog-haye Bliken

“Waxaan sii wadi doonaa inaan ka wada shaqeyno caafmaadka dad weynaha inta aan leenahay sanadaha badan ee iskaashigeena anaga oo la dagaalami doonao HIV/AIDS waxaan sii wadi doonaa wax ka qabashada masiibadda COvid19, waxaanan hubin doonaa inana dhammaanteen u diyaargarownay masiibooyinka mustaqbalka ee cudurada dilaaca- waxaan sii wadi doonaa inaan taageerno horumarka dhaqaalaha Itoobiya, anaga oo boqolaal milyan galin doono Caafmaadka, Koriimada dhaqalaah, waxbarashada, dimocraadiyada iyo sugnaanta cuntada sanadkastaba. Waxaana sii wadi doonaa inana taageerno qaxootiga iyo magangalyo doonka, iyo dadka dhibanayaasha u noqda xad-gudubyada xuquuqul insaanka.”

“Dhamaanteen waan sameynayaa,” ayuu yiri xog-haye Blinken, “hadafkeenu waa inaan dhisno iskaashi xoogan oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ethiopia Itoobiyana waa inay xaqiijisaa inaan inaan ka dhabayno dhiiragalinta dadkeena.”

XS
SM
MD
LG