Tani waa faallo ka tarjumeeyysa aragtida dawlada Mareeykanka
Bisha April waxa ay ku beegantahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay xabad joojinta Yemen.
Xabbad-joojinta ka hor, colaaddu waxa ay iska horkeentay fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto oo ka soo horjeeda dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay oo ay taageerayaan isbahaysiga ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xabbad-joojin, oo ay gar-wadeen ka ahayd Qaramada Midoobay, ayaa soo hooysay natiijadii xasilloonayd ee ugu dheerayd tan iyo sannadkii 2014-kii
Xabbad-joojinta ka hor, in ka badan toddobo sano oo rabshado ahi waxay burburiyeen dhaqaalaha Yemen oo ay dhaliyeen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka.
Maanta, in ka badan 21.6 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini'aadantinimo. Ilaa 6 milyan oo Yemeni ah ayaa ku barakacay boqolaal kun oo qof dadka ayaa waxay wajahayaan heerar kala duwan oo cunto yari ah, iyadoo qaarkood ay soo food saartay macluul.
Xabbad-joojintu waxay soo afjartay in badan oo rabshado ah.
Xabbad-joojintu ayaa soo af-jartay in badan oo gacan ka hadal ah, waxayna u gogol xaaraysay in mustaqbalka lagu dhammeeyo colaadda, balse ma joojin gebi ahaanba dagaalka.
Si kastaba ha ahaatee, degenaanshaha yaraa ayaa lagu soo waramayaa in ay keentay in boqolkiiba 60 ay hoos u dhacaan dhaawacyada rayidka ah. Waxaa intaa dheer w axay ogolaatay furitaanka garoonka diyaaradaha ee Sanca ee duulimaadyada ganacsiga, isla mar ahaantaana tillaabooyinka lagu fududaynayo shiidaalka la soo dejiyo waxay wanaajiyeen helitaanka biyo nadiif ah, koronto, daryeel caafimaad iyo adeegyo kala duwan. Joojinta dagaalka ayaa sidoo kale u ogolaatay kooxaha samafalka in ay gaaraan dad badan oo u baahan gargaar.
Xabbad-joojintu waa guul muhiim ah, ayuu madaxweyne Joe Biden ku yidhi hadal qoraal ah. “Xajinta xabbad-joojintan iyo xoojinta horumarka xagga nabadda waxay ahayd diiradda ugu weyn ee maamulkaygu la shaqaynayo saaxiibadayada Bariga Dhexe.diiradaasina waxay u sii socon doontaa si xooggan anagoo raadineeyno inaan sii amba qaadno horumarkan aan caadiga ahayn oo aan taageerno dhammaan dadaallada lagu doonayo in xal buuxa looga gaaro iskahorimaadkan xun,” ayuu yiri.
Maraykanku waxa uu si buuxda nooga go,an saaxiibbadeenna gobolka, iyo in Sucuudiga iyo Imaaraadka laga taageero weerarrada suurtagalka ah ee Iran. iyadoo xaqiiqadu ay tahay in weerarada xudduudaha ee ka imaanayay Yemen ay joogsadeen sannadkii hore.
Sidoo kale duqaynaha cirka ee gudaha Yemen, waa natiijo kale oo wanaagsan oo ka soo baxday xabbad joojinta,” "Waxaan rajeynayaa inaan sii wado la shaqeynta dhammaan saaxiibadayada gobolka si aan si joogto ah u soo afjarno dagaalka Yemen." ayuu yidhi Madaxweyne Biden.