Accessibility links

Breaking News

China oo weli ugaarsi ku haysa xoriyadaha Hong Kong


Tani waa faallo ka tarjumeeysa aragtida Dawlada Mareeykanka

Sannadkan la soo dhaafay, Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, ama PRC, iyo maamulka Hong Kong ayaa si dheeraad ah dambi ka dhigay mucaaradnimada, oo wiiqaya xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dadka ku nool Hong Kong, sida lagu sheegay warbixinta Sharciga Siyaasadda Hong Kong ee dhawaan la sii daayay.

Xukuumadda Hong Kong waxay ku adkaysatay dhaqangelinta sharciga amniga qaranka waxayna adeegsatay sharciga kacdoonka si ay u aamusiiso dadka dhaleeceeya - iyadoo in ka badan 1,200 oo qof lagu soo waramayo in loo xidhay aaminsanaanta.siyaasadooda
Sanadkii la soo dhaafay, mas'uuliyiinta PRC waxay sii wadeen inay u diidaan dadka Hong Kong awoodda ay u leeyihiin inay door macno leh ka ciyaaraan maamulka magaalada oo ay ku jirto in markii ugu horreysay loo oggolaado hal musharrax inuu u tartamo Madaxa Fulinta ee Hong Kong.
Maamulka Hong Kong waxay sii wadeen adeegsiga Sharciga Amniga Qaranka, oo ay Beijing ku soo rogtay Hong Kong bishii Juun 2020, si ay u sii burburiso sharciga kala dambeeynta Hong Kong iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dadka Hong Kong.

Maamulka Hong Kong ayaa sii waday inay xiraan oo ay dadka ku dacweeyaan muujinta siyaasada si nabad ah oo ay ku jiraan soo dhigida iyo gudbinta qoraallada warbaahinta bulshada. Maamulka maxalliga ah ayaa dambi ku soo oogay dad ku hawlanaa khudbado siyaasadeed ee Enternetka.

Maamuladu ayaa sii waday inay wiiqaan xuquuqda eedaysanayaasha kiisaska loo aqoonsaday inay ku lug leeyihiin amniga qaranka, oo ay ku jiraan inay u diidaan dammaanad iyo in lagu sii hayo muddo dheer oo xabsi ah; iyaga oo ka xayuubiyay xaqa ay u leeyihiin xeerbeegtida oo ay u baahan yihiin in kiisaskooda uu kormeero xaakin uu magacaabay madaxa fulinta ee ay taageerto Beijing.

Maamulka Hong Kong iyo PRC waxay sii wadeen inay beegsadaan kooxaha bulshada rayidka ah, shirkadaha warbaahinta, dhaqdhaqaaqayaasha, saxafiyiinta, xisbiyada siyaasadda, ururada shaqaalaha, iyo shakhsiyaadka iyo ururada kale ee ay ku eedeeyeen inay ku xidhan yihiin dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Hong Kong ama kuwa dhaleeceeya dawladda. Maamulka ayaa la xirayka dib Joseph Zen, oo 90 jir ah, oo ahaa wadaadkii hore ee Katooliga ee Hong Kong, iyo kuwa kale oo looga shakisan yahay "in ay iskaashi la leeyihiin xoogag shisheeye."

Hong Kong ayaa dacwad ku soo oogay saraakiil ka tirsan tifaftirayaasha iyo maamulayaasha warbaahinta hadda xiran ee Apple Daily iyo Stand News, oo uu ku jiro aasaasaha Apple Daily Jimmy Lai, oo lagu soo oogay dambiyo la xiriira amniga qaranka, Stand News ku qoran fallaagada daabacadda maqaallada wararka ee la xiriirada siyasiinta dimoqaradiyad doonka ah.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa sii waday xiritaankooda , iyaga tixraacaya jawiga xanibaada ee siyaasada Hong Kong.

Isagoo tixraacaya hoos u dhaca sharciga Hong Kong xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken wuxuu ku booriyay mas'uuliyiinta PRC inay dib u soo celiyaan xuquuqaha iyo la ilaaliyo xoriyadda dadka Hong Kong sii daayaan kuwa xaqdarada ku xiran ama u xabsiga ugu jiro oo ay ixtiraamaan sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Hong Kong.

XS
SM
MD
LG