Tani waa Faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa dhawaan kula kulmay Brussels dhowr hogaamiye oo reer Yurub ah kulamo hoosta ka xariiqay muhiimada iyo xoogga isbaheysiga NATO.
Kadib kulan uu la yeeshay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell, Xoghaye Blinken ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka wadahadleen ay ka mid yihiin caqabadaha caalamiga ah oo Maraykanka iyo Yurub ay wax ka bedeli karaan, laga bilaabo Itoobiya ilaa Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ilaa Bariga Dhexe.
Muhiimada wadahadaladooda, waxaa xuddun u ahaa dagaalka gardarada ah ee Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.
"Maraykanka iyo Midowga Yurub waxay ku howlanyihiin sidii ay u wada shaqayn lahaayeen, iyagoo kaashanaya isbahaysiga ballaadhan iyo saaxiibadooda si loo hubiyo in Ukraine ay is difaaci karto, dadkeeda iyo, dhulkeedana ay difaaci karto iyo xaqa ay u leedahay inay doorato jidkeeda," ayuu yidhi Xoghaye Blinken.
Waxa uu tilmaamay in saaxiibada Yurub ay ilaa 13 bilyan oo dollar ku bixiyeen kaalmada milatari ee Ukraine, marka lagu daro balaayiin gargaar dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo. Waxaa intaa dheer, Midowga Yurub ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay siin doonaan rasaas u dhiganta 2 bilyan oo dheeraad ah oo ah iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Yurub.
Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xirmo cusub oo gargaar militari oo loogu talagalay Ukraine oo ay ku jiraan $ 500 milyan oo rasaas iyo qalab ah, iyo $ 2.1 bilyan oo rasaas ah, nidaamyada hoobiyeyaasha, gantaalada, iyo nidaamyada ka hortagga hubka.
Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa sidoo kale "meel marinaya cunaqabateyn ballaaran iyo xanibaad ku aadan waxyabaha la dhoofiyo xakameynta dhoofintu waxay hoos u dhigaysaa awoodda Ruushka ee dagaalka," ayuu yiri Xoghaye Blinken.
Waxa uu ku ammaanay Midowga Yurub in uu jaray ku tiirsanaanta gaasta Ruushka ee ku dhawaad 40 boqolkiiba bilawgii dagaalka ilaa 15 boqolkiiba dhamaadka 2022 – Mareykanka ayaa ku taageeray 140 boqolkiiba korodhka gaaska dabiiciga ah ee uu u dhoofiyo Yurub sannadkii hore.
Meesha kale ee iskaashiga aan horay loo arag waa amniga tamarta, taas oo u baahan in la wadaago ballanqaad si looga hortago masiibada cimilada. Mareykanka iyo Midowga Yurub, Xoghaye Blinken wuxuu ku dhawaaqay, inay go'aansadeen inay dardargeliyaan u guurista tamarta nadiifta ah ee caalamiga, daabulid adkeysi leh oo la isku haleyn karo iyo tamarta dib loo cusbooneysiiyo.
Xoghaye Blinken waxa uu xusay in dhammaan wada-hadalladii uu la yeeshay Borrell ay si wadajir ah diiradda u saareen dib-u-soo-nooleynta dimoqraadiyadooda iyo qiyamkooda dimoqraadiyadeed.
"Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Midowga Yurub waa mid dhammaystiran, oo casri ah," ayuu yiri Xoghaye Blinken, "waan ku faraxsanahay inaan la sii shaqeeyo si aynu u gaarno howl miradhasha, adag isla maraakana la hubiyey mustaqnala dadka labada dhinac ee badweynta Atlantica.