Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo sii wada taageerista guulaha Vietnam


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtoda dowladda Mareykanka

Waxaa laga joogaa 50 sano tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Vietnam, ku dhawaad 28 sano ayaa laga joogaa markii labada dal ay caadi ka dhigteen xiriirkooda. Waqtigaas, labada waddan waxay samaysteen xidhiidh adag, firfircoon, oo natiijo leh, ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken mar uu dhowaan booqday Hanoi. Muhiimadiisa ayuu kus heegey Xoghaye Blinken in ay tahay “sida Maraykanku u sii wadi karo taageerada guusha Vietnam - taas oo u fiican dadka Vietnamese, Maraykanka, iyo runtii gobolka oo dhan."

“Waddamadeenu waxay iska kaashanayaan dano wadaag ah oo baaxad leh, waxaanan aaminsanahay in annagoo taageerna hamiga Vietnam aynnu horumarinno nafteena, laga bilaabo abuurista shaqooyinka Mareykanka iyo xoojinta ganacsiyada Mareykanka, si aan uga gudubno xiisadda cimilada ee ina wada saameysa, si aan uga hortagno masiibada.”

Mareykanka iyo Vietnam waxay ka wada shaqeeyaan masraxa caalamiga ah si kor loogu qaado barwaaqada sal-ballaaran ee Vietnam iyo gobolka oo dhan, ayuu yiri xoghaye Blinken. "Waxaan sidoo kale kordhineynaa iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac," ayuu yidhi.

“Maraykanku waxa uu Vietnam ka caawinayaa in ay laban laabaan dib-u-habaynta muhiimka ah ee ay aqbaleen – oo ay ku jiraan shaqada, hantida garaadka, ganacsiga caddaaladda ah – kuwaas oo ka dhigay mid ka mid ah dhaqaalaha ugu kobaca badan aduunka.”

"Waxaan aaminsanahay in Vietnam ay gaari karto yoolkeeda ah in ay noqoto waddan isku xiran, oo dakhligiisu sarreeyo 2045 iyada oo la raadinayo koritaanka sare u qaadaya dhammaan bulshooyinka, iyada oo la dhisayo adkeysi si ay ula qabsato isbeddelka cimilada.”

Runtii, "Waan ognahay in Vietnam ay si sii kordheysa ugu nugushahay halista ka imaanaya isbedelka cimilada," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Sida Vietnam ay qaadayso tillaabooyin ay ku noqonayso hormuudka kala-guurka tamarta cimilada, Maraykanku waxa uu maalgashanayaa awooddaas baaxadda leh. Waxaan bilaabaynaa dadaallo cimilo oo cusub oo laba geesood ah… kuwaas oo wax walba ka qabanaya ilaalinta nidaamka deegaanka iyo yaraynta qiiqa ka yimaada beerashada bariiska ee Mekong Delta, si loo ballaariyo nidaamka tamarta nadiifka ah ee suuqa uu hoggaamiyo iyo kor u qaadista qaadashada gawaarida korontada, si aan uga faa'ideyno waaxyadayada gaarka ah si ay u wadaan ficilka cimilada."

Ugu dambayntii, laakiin ugu yaraan, “Waxaanu dhamaynaynaa wareejinta qeybtii saddexaad ee Ilaalada Xeebaha Maraykanka ee Vietnam, anagoo buuxinayna tiro ka kooban 24 doonyood oo roondo ah iyo qalab kale, taasoo qeyb ka ah tababar, iyo tas-hiilaad hawleed oo aanu bixinayney ilaa iyo 2016. Dhammaan dadaaladani waxay xoojinayaan awoodda Vietnam si ay gacan uga geysato nabadda iyo xasilloonida Badda Koonfurta Shiinaha,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

"Maraykanka waxaa ka go'an inuu taageero Vietnam xooggan, barwaaqo ah, madax-bannaan, iyo adkaysi leh. Waxaanan ixtiraamaynaa xaqa Vietnam u leedahay inay mustaqbalkeeda ku qaabayso nidaamkeeda siyaasadeed.”

XS
SM
MD
LG