Accessibility links

Breaking News

Ballaarinta waddooyinka sharciga ah ee muhaajiriinta


Biden
Biden

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Maamulka Biden iyo Harris waxaa ka go'an inuu ballaariyo dariiqooyinka sharciga ah ee socdaalka Mareykanka iyo ka hortagga in dadka ay ku dhiirradaan safarka halista ah ee xuduudda.

Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken iyo Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro Myorkas ayaa dhawaan sharaxay talaabooyin taxane ah oo lagu taageerayo yoolkan.

Mid ka mid ah waa samaynta Xarumo Waxqabad oo heer Goboleed ah oo laga sameeyay goobo la xushay. Xarumaha ugu horreeya ee noocan oo kale ah ayaa laga furi doonaa Colombia iyo Guatemala. Xoghaye Blinken wuxuu labada dal ku amaanay inay yihiin "saaxiibo aad u wanaagsan."

"Xarumahan waxaa maamuli doona la-hawlgalayaasha hay'adaha caalamiga ah oo wanaajin doona gelitaanka shakhsiyaadka u qalma ee habaynta dib-u-dejinta qaxootiga ee la dedejiyey, midaynta qoyska, iyo waddooyinka shaqada ee Maraykanka. Waxay sidoo kale noqon doonaan meel tixraac ah oo loogu talagalay waddooyinka sharciga ah, iyo sidoo kale ilaalinta bini'aadantinimada iyo qaxootiga ee dalalka kale, sida Kanada iyo Spain."

Xoghayaha Amniga Gudaha Myorkas ayaa xusay in dariiqa kale ee lagu ballaarin karo dariiqooyinka sharciga ah ay tahay in la hagaajiyo hababka dib-u-midaynta qoyska ee dadka ka soo jeeda Cuba iyo Haiti ee muddada dheer la aasaasay si shakhsiyaadka ka socda waddamadan ee haysta codsiyada qoyska ee la ansixiyay ay si degdeg ah ula midoobaan qoysaskooda ku nool Maraykanka.

"Tan saddexaad, waxaan ku amray kooxdayda inay horumariyaan hababka dib-u-midaynta qoyska kaas oo ku fidin doona qaabkan sida wanaagsan loo aqoonsan yahay shaqsiyaadka ka soo jeeda El Salvador, Guatemala, Honduras iyo Colombia."

Tan afaraad, iyada oo loo marayo App-ka mobilada ee guulaystay ee Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudka, ayaa dadku waxay awood u yeelan doonaan inay balamo badan ka samaystaan baraha laga soo galo. "Kuuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, iyo sidoo kale kuwa aan lahayn saldhig sharci ah, way sii socon doonaan," ayuu yiri Xoghayaha Amniga Gudaha Myorkas. "Isla markaa, waxaan ku soo rognay cawaaqib shaqsiyaadka aan isticmaalin dariiqayada sharciga ah."

Cawaaqibtaas waxaa ka mid ah mamnuucid shan sano ah oo aan lagu soo gali karin Mareykanka, iyo suurtagalnimada in lagu xukumo dembi isku day kasta oo xiga oo si sharci darro ah looga gudbo xadka.

"Aan caddeeyo," ayuu yiri xoghayaha amniga gudaha Myorkas, "xudduudkeennu ma furna."

Habka maamulka Biden-Harris "wuxuu diiradda saarayaa samaynta socdaalka si badbaado leh, nidaamsan iyo bini'aadantinimo, iyo horumarinta danaha dadka Maraykanka," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Blinken.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in lala shaqeeyo saaxiibadeena gobolka. Waxaa jira "hawl... xudunta loolanka socdaalka," ayuu yiri Xoghaye Blinken. "Sideen dhammaanteen u wada shaqeyn karnaa, si aan u bxinio aasaaska mustaqbal wanaagsan, ammaan badan iyo mustaqbal rajo badan u leh dhammaan muwaadiniinteena?

XS
SM
MD
LG