Accessibility links

Breaking News

Badbaadinta caruurta Ukraine ee ay masaafuriyeen Ruushka


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub ayaa dhawaan soo saaray warbixin uu ku eegayo eedeymaha ku saabsan in mas’uuliyiinta Ruushku ay si qasab ah u musaafuriyaan carruurta Ukraine.

"Waxaa jira dambiyo badan oo aad u xun oo ay geysteen ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, laakiin kala soocidda carruurta iyo qoysaskooda' ayaa ka mid ah" kuwa ugu xun uguna daran," ayuu yiri Ambassador Michael Carpenter, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Mareykanka u qaabilsan Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub.

"Waxay ila tahay inay iska socotay iyada oo aan la odhanin in dawladina aanay weligeedba dembi ka gelin carruurta, iyo in sidaas loo sameeyo iyada oo ay ujeedadu tahay in la tirtiro aqoonsigooda qaran si loogu gogol xaaro, in dawladi ay la wareegto dhulka dawlad kale, inay arrintaasi tahay wax aan la aqbli karayn."

Waxaa jiray dadaalo ballaaran oo Ruushku uu ku doonayo inuu si khasab ah ku raro shacabka reer Ukraine, tan iyo sannadkii 2014. Waxaana kumanaan caruur ah laga qaaday gacanka Crimea, taas oo xitaa socotay ka hor duulaankii Ruushka ee Ukraine, sida uu sheegay Danjire Carpenter.

"Warbixintu waxay xustay in carruurtan loo diray meelo fog fog sida Siberiya iyo bariga fog ee Ruushka. Iyada oo kumannaan carruur ah laga soo qaaday Ukraine. Laga soo bilaabo bishii April 23-keedii, ee sannadkan 2023, waxaa Ukraine dib loogu soo celiyey oo keliya 361 caruur ah. Taasoo ka dhigan in weli kumanaan qoys ay baadi goobayaan caruuroodii laga qaaday.

Waxaa jira dhowr siyaabood oo carruurtan looga soo qaado qoysaskooda iyo cidda gacanta ku haysaba, ayuu yiri Danjire Carpenter:

"Hal dariiqo ayaa ah, in masuuliyiinta Ruushku ay si xoog ah ubadka uga qaadaan, waalidkood ama cidda kale ee gacanta ku haysa, taasoo ah xilliga loogu yeero habka sifaynta. Marka waalidiinta la xiro ee loo diro xeryaha, waxaa inta badan caruurta la geeyaa xeryo kale oo lagu hayo.”

Marka laga hadlayo carruurta la korsado, habkani wuxuu inta badan keenaa in la bedelo aqoonsiga dhabta ah ee ilmaha, sida magaca iyo goobta dhalashada, taas oo markaa ka dhigaysa "arrin aan suurtagal ahayn in la xaqiijiyo" aqoonsigoodii hore ee dhabta ahaa, marka ay ku dhex lumaan dhulweynaha Ruushka.

Maraykanku waxa uu ka caawinayaa Ukraine in guryahooda lagu soo celiyo caruurta la qaatay, iyada oo ay weli taagan tahay in lagula xisaabtamo masuuliyiinta Ruushka, xadgudubyada xuquuqda ee ay ku kaceen.

XS
SM
MD
LG