Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.
“Maraykanku waxa uu si adag u cambaaraynayaa xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee socda iyo xad-gudubyada iyo rabshadaha argagaxa leh ee ka socda Suudaan,” ayuu afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ku yiri hadal uu soo saaray.
Si gaar ah waxa uu u xusay tacaddiyada galmada ee baahsan iyo dilalka salka ku haya qowmiyadda Galbeedka Darfur ee ay gaysanayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah iyo maleeshiyaadka huwanta ah.
Bartamihii bishii April ayay ahayd markii xiisad u dhexaysay millatariga Suudaan iyo kooxda ay iska soo horjeedaan, xoogaga taageerada degdega ah ee militariga, uu dagaal ku dhex marey caasimadda Khartoum iyo meelo kale oo dalka oo dhan ah.
Kooxaha maxalliga ah ayaa ku qiyaasay in ilaa 1,100 qof oo rayid ah lagu dilay El Geneina oo keliya, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 273,000 oo qof ay ku barakaceen gobolka Galbeedka Darfur.
Kormeerayaasha la socda isku dhaca Suudaan iyo warbaahinta ayaa diiwaangeliyay sawiro lagu qaaday dayax-gacmeedka ee qaybo ka mid ah El Geneina iyo dhammaan deegaannada ku yaal Galbeedka, Koonfurta iyo Waqooyiga Darfur ee ay dhulka la simeen xoogagga muqarribiinta ah.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheeganaya in tani ay qayb k tahay qaabka soo ifbaxaya ee rabshadaha qowmiyadeed ee lala beegsanayo dadka aan Carabta ahayn. Dumarku waa kuwa soo gaara dhibka ugu badan ee rabshadahan, dhibanayaasha iyo kooxaha xuquuqul insaanka waxay si kalsooni leh ugu eedeeyeen askarta Ciidanka Taageerada Degdega ah, ama RSF, iyo maleeshiyaadka xulafada la ah kufsiga iyo noocyada kale ee rabshadaha galmada la xiriira.
Tacadiyadan maanta ka dhacay Galbeedka Darfur iyo degaano kale ayaa ah kuwo xasuusin mudan dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee keenay in Maraykanku uu 2004tii go’aamiyo in xasuuq ka dhacay Daarfuur.
"Waxaan si gaar ah u cambaareyneynaa dilka guddoomiyihii gobolka Galbeedka ee Darfur Khamis Abbakar 14-kii Juun ka dib markii uu ku eedeeyay RSF iyo ciidamada kale inay geysteen xasuuq," ayuu ku dhawaaqay afhayeenka Miller.
"Waxaan sidoo kale muujineynaa walaaca aan ka qabno wararka sheegaya in suldaanka qabiilka Masalit walaalkii iyo 16 kale lagu dilay El Geneina 12-kii June."
Iyadoo xad-gudubyada ka dhacaya Daarfuur ay ugu horreyso RSF-ta iyo malleeshiyada xiriirka la leh, haddana labada dhinacba waxay mas'uul ka ahaayeen xadgudubyo.
Daarfuur, ciidamada qalabka sida ee Suudaan, ama SAF, ayaa ku guuldareystay in ay ilaaliyaan rayidka waxaana la sheegay in ay huriyeen colaad iyaga oo dhiirigeliyay abaabulka qabaa'ilka. Weerarrada SAF ee diyaaradaha militariga ama kuwa aan duuliyaha la socon ayaa sidoo kale caqabad ku noqday dadaallada bani'aadamnimada.
Afhayeen Miller ayaa ugu baaqay "labada dhinac" in ay "joojiyaan dagaalka, ay xakameeyaan ciidamadooda, oo ay la xisaabtamaan kuwa mas'uulka ka ah rabshadaha ama xadgudubyada, oo ay awoodna u yeeshaan gaarsiinta gargaarka bini'aadanimo ee aadka loogu baahan yahay.