Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka
Maraykanku waxa uu bogaadinayaa dadaalka muwaadiniinta Maraykanka iyo mutadawiciinta kale ee ah in ay sii wadaan raritaanka iyo dib u dejinta dadka reer Afghanistaan ee dib u dejinta ka helay Maraykanka. Gaar ahaan, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken waxa uu aqoonsaday horumarka #AfghanEvac Coalition ay ku sameeyeen iskaashiga ay la leeyihiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Isbahaysiga #AfghanEvac waa urur ay ku jiraan kumanaan mutadawiciin ah, oo ay ku jiraan halyeeyo, reer Afgaanistaan ah oo ku nool Mareykanka, iyo muwaadiniin badan oo Mareykan ah oo aan waligood cag dhigin Afgaanistaan. Xafiiska Waaxda Arimaha Dibada ee Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya waxay si dhow ula shaqeysaa #AfghanEvac Coalition si ay u caawiyaan dadka reer Afghanistaan .
Isbaheysiga #AfghanistanEvac waa "tusaale u noqon karaan iskaashiga dadweynaha iyo kuwa gaarka ah," ayuu yiri Xoghaye Blinken. "Sababtoo ah waxaan uga wada shaqeynay arrin guud, oo leh ujeedo bulsho iyo waxqabad bulsho."
"Shaqadani weli lama dhammaysan," ayuu yidhi Xoghaye Blinken. Si taas loo gaaro, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay soo bandhigtay Heshiis Isfaham si loo sii wanaajiyo wadashaqeynta Isbaheysiga #Afqaanistaan.
Shaqada adag ee tabaruceyaasha ka socda Isbaheysiga #AfghanEvac ayuu sheegay Xoghaye Blinken, inay muujinayso " in maraykanku yahay waddan naxariis badan, oo ay ka buuxaan dad qalbi wanaagsan oo ka soo jeeda jinsiyado kala duwan, caqiidooyin kala duwan - laakiin dhammaantood waxay diyaar u yihiin inay hoos u dhigaan wax walba oo kala qaybinaya, oo loo wada shaqeeyo sida hal koox, si aad u caawiso dadka kale."