Accessibility links

Breaking News

Raadinta kuwa maqan ee Syria


Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Bishii March ee sanadkii 2011, ciidamada militariga ee ka amar qaata madaxweynaha Syria Bashaar al-Assad, ayaa bilaabay weeraro isdaba joog ah oo ay si adag ugala hortagayeen dibadbaxayaal dimoqraadi doon ah oo ka horyimi xukunka. Tan iyo xiligaa in ka badan nus malyuun qof oo Syrian ah ayaa la dilay, tobanaan kun oo kalena waa la waayay meel ay jaan dhigeen.

Qaar ka mid ah dadka la la’yahay ayaa la tuhunsan yahay Inay xabsiyada ku jiraan oo ay xidhay Xukuumadda Syria, halka qaar kalena ay qafaasheen kooxo aan xidhiidh la lahayn dowladda, qaarkoodna ay dhinteen ama la dilay oo lagu aasay xabaalo wadareedyo laga helay goobo kala duwan.

"In ka badan 12 sano ka hor, dadka Syria waxay sameeyeen kacdoon Selmi ah si ay u dalbadaan xoriyadooda iyaga oo ku baaqaya in Dimishiq ay ixtiraamto xuquuqdooda aas aasiga ah iyo in la joojiyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah," ayuu yidhi Ku-xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Jeffrey DeLaurentis.

Balse iska horimaadkii xiligaa bilaabmay wali wuu sii socdaa isaga oo cawaaqib xun ku reebay dadka reer Syria."

Xiligan haatan la joogo waxaa jira qiyaasta in ka badan 155,000 iof oo Syrian ah oo la la'yahay, qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa si xaqdarro ah u xiray ama la waayayba Waxaa ka mid ah shaqsiyaadka la rumeysan yahay in ay ku maqan yihiin gacanta Daacish iyo kooxaha kale ee argagixisada.’

“ugu yaraan qoys kasta oo Syrian ah ayay arrintan saamaysay. In kasta oo dedaallo diblomaasiyad oo la samaynayay l 12-kii sano ee la soo dhaafay aan wax natiijo ah laga gaadhin, marka laga reebo waxyaabo horumar aad u xadidan oo meelaha qaar laga gaadhay ayuu yidhi Mr DeLaurentis.

Bishii June 29 keedii , Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la sameeyo hay'ad caalami ah oo madax-bannaan si ay u baud goobto dada Syrian ka ah ee maqan ee labada dhinac ee dawladda iyo mucaaradku ay haystaan.

Hay'addani waxay xog ka ururin ka raadin doontaa qoysaska, ururada bulshada rayidka ah ee Syria, ururada caalamiga ah, iyada oo loo marayo su'aalo la xidhiidha labada dhinac ee iskahorimaadku u dhexeeyay iyi macluumaadka dakka maqan.

XS
SM
MD
LG