Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Way caddahay inaana sameynin ugu dhowaan wax ku filan oo carruurta aan uga ilaalino dhibaatada colaadaha ayuu yiri” declared Jeffrey DeLaurentis, oo ah kusimaha kuxigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.
Warbixinta sanadankan ee carruurta iyo iska hor imaadyada hubeysan ayaa waxay bixineysaa sawir si dhab ah u muujinaya sida colaadda ay u waxyeelleysay carruurta” ayuu kusii daray danjire DeLaurentis:
“Sanadkii lasoo dhaafay 2022kii, Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ka badan 27,180 kiis oo lix kamid ah ay yihiin xadgudubyo daran oo ka dhan ah carruurta, kuwaas oo ay kujiraan in ka badan 8,600 oo carruur ah oo la dilay ah ama la dhaawacay. Si aad ah ayaan uga xunnahay tiradan naxdinta leh. Wexaa na dhiirri galisay natiijada kasoo baxday dhinacyada ay colaadda u dhexeyso taasoo keentay in 12,460 carruur ah laga daayo kooxaha hubeysan iyo ciidamada waxaana rajeynayaan tallaabooyin badan oo nolosha carruurta ka dhigi doonta mid wanaagsan.”
So kastaba ha ahaateen carruur fara badan ayaa loo geystay xadgudubyo galmo, afduub, waxaana laga hor istaagay gargaar binuaadnimo in la gaarsiiyo sida uu sheegay danjire DeLaurentis:
“Sudan waxaa kasoo baxaya warbixnno sheegaya in carruur badan si qasab gurhaooda looga barakiciyay qaarkoodna iyaga iyo qoysaskooda ayaa lakala soocay ama dhibanne u noqdey xadgud galmo. Kooxaha hubeysan ayaa wali ah dambiilayaasha geysanaya tacaddiyada ka dhanka ah carruurta ku sudan Colombia, halkaas oo qasab ku shaqaaleysiinta carruurta iyo isticmaalkooda ay wali walaac xooggan gaar ahaan dadka Afro-Colombian-ka iyo bulshada Indigenous ee deegaanka."
Afghanistan, ka mamnuucidda gabdhaha looga hor istaagay inay helaan waxbarsho ka badan dugsiga hoose, guurka qasabka ah ee gabdhaha da’da yar iyo qasab ku qorsita carruurta iyo askareyntooda ayaa dhibaato jireed iyo mid shuurba ku keentay bad-qabka dhalinyara dadalkaasi.
Dalka Ukraine xubno ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa qaab toogasho ah ku dily rag dumar iyo carruur Ukraine, waxaana barbar socday tallaabo saraakiil kale oo Ruushka ah ay boqolaal kun oo shacabka Ukraine ah ugu musaafuriyeen gudaha Ruushka, kuwaas oo ay kujiraan carruur si qasab ah looga qaatay qoysaskooda
“Carruurta dunida ku nool waxay u qalmaan inay dareemaan ammaan, islamarkaana ay helaan waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu yri danjire DeLaurentis. Oo sii raaciyay, “markaan markaan qaadno tallaabooyin aan ku ilaalinayso bad-qabka carruurta, waxaan wadajir u ililaalineysaa mustaqbalkeenna waxaanna gacan ka geysaneynaa inaan soo afjarno colaadaha.”