Accessibility links

Breaking News

Maxbuus siyaasadeed kale oo lagu xukumay Iran


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Dowladda Iran ayaa mar kale muujisay cabsida ay ka qabaan shacabka Iran.

Heesaaga caanka ku ah heesaha raabka, ninka lagu magacaabo Toomaj Salehi ayaa lagu xakumay lix sano iyo saddex bilood oo xabsi ah, sababo la xiriira ka qeybgalkiisii mudaaharaadyadi waaweynaa ee nabadda ahaa ee looga soo horjeeday dowladda, kuwaas oo gugi lasoo dhaafay hareeyay guud ahaan Iran, kaddib dilki foosha xumaa ee booliska anshaxa ay ku khaarijiyeen Mahsa Amini, oo loo xiray xijaab xumo darteed,

Tobnaan kun oo qof ayaa la xiray inti lagu guda jiray qabqabasho rabshado ku dheehan oo ciidanka taliska Iran ay kula kaceen dibadbaxayaasha; 500 oo ruux oo ka mid ahaa ayaa la dilay, todobo ka mid ahna waa la daldalay.

Toomaj Salehi, oo ah 32 jir ayaa la xiray bishii October, muddo bilo ah ayuu ku qaatay qol ciriir ah oo uu kaligiis uu ku xirnaa, arrintaas oo uu ku muteystay kaddib marki uu internetka ku faafiyay heeso iyo muuqaallo uu ku taageeray dibadbaxayaasha.

Mid ka mid ah muuqaallada ayaa waxaa barta YouTube laga daawaday in ka badan 450,000 oo jeer. Warbaahinta Dowladda Iran ayaa soo saartay muuqaal muujinaya Salehi oo indhaha ka xiran wajigana ka buusbuusan oo raalli-gelin ka bixinaya qaladki uu sameeyay.

Sida ay muujisay warbixin sannadle ah oo dhawaan kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taasi oo xoogga saartay arrimaha xuquuqda aadanah ee Iran , Maxkamadaha Iran ayaa si joogta ah u aqbala cadeeymaha ku yimaada qirashada lagu keeno jirdilka iyo qasabka.

Salehi ayaa lagu soo eedeeyay danbiyo dhowr ah waxaana lagu helay danbi ah inuu kiciyay rabshado, fasahaadin dhulka ah iyo inuu fidinyay been-abuur. Waxaa laga riday eeddi aheyd inuu la shaqeynayay dowlad cadaw ah iyo inuu aflagaadeeyay Hogaamiyaha Ruuxiga ah.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa go’aanka maxkamadda iyo xakunka xabsiga ah ee Toomaj Salehi ku tilmaamay “wax laga xumaado” isaga oo sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono inuu qiimeeyo xaaladdiisa.”

“Waxaa si joogta ah loogu diiday inuu helo matalaad sharci ah. DHageysiga maxkamaddiisa waxay aheyd mid albaabada ay u xirnaayeen, iyadoo ay jireen warar sheegayay in bishi April loola carraray isbitaalka markaas oo uu u baahnaaday daween deg deg ah kaddib marki lagu jiridlay xabsiga,” ayuu yiri afhayeen Miller.

Wuxuu intaasi raaciyay Miller “Habdhaqanka foosha xu nee rajiimka ee arrimahan si qoto dheer ayay u yihiin kuwo aan loo dul-qaada karin waana in lasoo gaba gabeeyaa, waxaan ugu baaqeynaa dowladda Iran in ay sii daayaan isaga iyo dhammaan maxaabiista siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG