Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka
Mareykanka waa qaran Indo-Pacific ah, sidaasi daraadeed “Waxaa naga go’an sidii an u dhisi laheyn awood wada jir ah oo aan la kaashanno xulufadeenna, bah-wadaagteenna iyo saaxiibadeen, si aan u helno gobol waara oo xor ah, furan, isku xiran, barwaaqo ah, ammaan iyo adkeysina leh,” Sidaa waxa yiri kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan Bariga Asia iyo Badda Baasiiga, Daniel Kritenbrink.
Isaga oo bartamihi bishii July hadlayay, gaar ahaan dhageysi ka dhacayay Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaas oo cinwaankiisu ahaa Nabad kusoo dabbaalid iyada oo la marayo xoojinta dalalka Indo-Pacific, ayuu Mr. Ktritenbrink hoosta ka xarriiqay “In hoggaanka Mareykanka ee dalalka Indo-Pacific, taas oo uu dabcan ku jiro gobolka EAP, uu aad muhiim ugu yahay sababtoo ah Indo-Pacific wuxuu dab siiyaa meelo badan oo ka mid ah koboca dhaqaalaha dunida, walibana wuxuu bud-dhig u ahaa juqeaafiyadda qarnigan 21-aad.
“Waxaanu leenahay istaraatiijiyad Indo-Pacific oo ay qeyb ka tahay Shiinaha, iyadoo aanan laga eegeen dhinaca kale. Marka sidaasi la yiraahdo, waxaa iyadana xisaabta ku jirto loolanka istiraatiijiyadeed ee Shiinaha inuu wali yahay caqabad taagan oo caalami ah, marka tartanku waa mid loogu yeero Indo-Pacific.”
Sidaasi daraadeed, habka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha waxaa ku jiri doona istaraatiijiyad ka kooban maalgashi, toosin, iyo tartan.
"Waxaan maalgelineynaa aasaaska xooggeenna gudaha, anagoo la jaanqaadeyno xulafada iyo la-hawlgalayaasha habkeenna dibadda iyo la tartamida Shiinaha si aan u difaacno danahayaga," ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Kritenbrink.
Wuxuu intaasi raaciyay "Ujeedkeennu maaha in aan beddelno Shiinaha laakiin waa in aan qaabaynno deegaanka Istaraatiijiyadeed ee ay ku shaqeyso, dhisidda isku dheelitirnaanta saameynta u wanaagsan Mareykanka, xulafadeenna iyo saaxiibadeenna, iyo danaha iyo qiyamka aan wadaagno."
Si kastaba ha ahaatee, "Sidoo kale waxaan sii wadeynaa ilaalinta nabadda iyo xasiloonida guud ahaan marin biyoodka Taiwan," ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Kritenbrink.
“Siyaasaddeenna ah Shiino hal ah, taas oo mar walbaaba joogta aheyd ayaa naga caawisay inaan meel adag iska taagno nabadda iyo xasilloonnida 40-ki sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo la raacayo sharciga xiriirka Taiwan, Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa inuu Taiwan ka caawiyo sidii ay u ilaalin lahayd awood is-difaac oo ku filan.
"Amniga Mareykanka wuxuu ku xiran yahay wadashaqeynta aan la leenahay xulufadeenna iyo bah-wadaagteenna si aan wax uga qabanno caqabadaha la wadaago, si aan u dhisno u adkeysiga khataraha caalamiga ah," ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda. "Doorka Mareykanka ee gobolka waa inuu noqdaa mid sii waara sidii horeyba u ahaa. Xulafadayada iyo bah-wadaagteenna waxay eegayaan awoodda aan ku gaarsiin karno kheyraadka, taasoo calaamad u ah ballanqaadkeenna, dhisidda dadaallada jira."