Accessibility links

Breaking News

Ukraine oo u dagaalameysa mustaqbalkeeda


Tani waa Faallo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.

Ukraine waxay ku dhawaaqday inay ka go'day Midowgii Soofiyeeti. "Isla toddobaadkaas," ayay tiri Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, "Ukraine waxay ku wargelisay Qaramada Midoobay madax-bannaanideeda 'oo ku saleysan xaqa ay ummadi u leedahay aayo-ka-tashiga si waafaqsan Axdigacaalamiga ah.

Soddon iyo laba sano ka dib, Ukrain waxay la dagaallamaysaa dhaxal-sugaha Midowgii Soofiyeeti, Federaalka Ruushka, si uu u ilaaliyo madaxbannaanidiisa oo uu u ilaaliyo hiddeheeda dhaqameed. "Maanta, jiritaanka Ukraine waa la weeraray," ayey tiri danjire Thomas-Greenfield.

"Ukrayn waxay si geesinimo leh ugu dagaalameen si ay u difaacaan madax-banaanida dalkooda. Si ay u difaacaan xoriyadooda, Dimuqraadiyadooda, iyo Dhaqankooda. Ukrainiyiintu waxay si geesinimo leh ula dagaallamayaan Ruushka si ay u difaacaan oo ay u soo celiyaan carruurta Yukreeniyaan ee sida qasabka ah loogu wareejiyay ama loogu tarxiilay Ruushka, Belarus, iyo dhulalka Ruushku qabsaday."

Carruurtu waa mustaqbal, dal ka lumayna mustaqbal ma leh. Tan iyo duulaankii, oo dib loogu laabanayo 2014, dowladda Ukraine ayaa ku qiyaastay in mas'uuliyiinta Ruushka ay ka masaafuriyeen ama si qasab ah uga barakaceen guryahooda, in ka badan 19,500 oo carruur ah, "oo ay ku jiraan dhallaanka da'doodu ka yar tahay afar bilood," ayey tiri Ambassador Thomas-Greenfield.

“Ololaha naxariis-darrada ee Ruushku wuu socdaa ilaa maanta. Ruushka iyo xulafadiisa ayaa xabsiga dhigay caruurta ka soo cararaya rabshadaha. Waxay caruurtii ka saareen iskuuladii iyo xarumaha agoomaha. wakiillada maxalliga ah ayaa khiyaanay ama ku qasbay waalidiinta inay u diraan carruurtooda waxa loogu yeero "xeryaha xagaaga" iyadoo ujeedku ahaa in laga gooyo isgaarsiinta, waxayna u diideen in carruurtooda dib loogu celiyo.”

Carruurta la qafaashay Waxaa lagu wadaa dacaayad, maskax-dhaqid, iyo xitaa tababar ciidan. Qaar ayaa lagu cadaadiyaa inay qaataan dhalashada Ruushka, qaarna waxaa la sheegay inay qaateen qoysas Ruush ah,” ayey tiri danjire Thomas-Greenfield.

Saraakiisha Ruushku waxay ku andacoonayaan in ay samaynayaan ‘daad-gureyn bini’aadantinimo.’ “Laakiin tani waa xaqiiqada oo la qaloocinayo iyo isku day aan waxba tarayn oo lagu doonayo in lagu caddeeyo waxa aan la aqbali karin,” ayay tidhi.

"aynu caddayno, xadgudubyadan waxaa soo qaabeeyey dhammaan heerarka dawladda Ruushka ee ugu sarreeya. Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo madaxweyne Vladimir Putin iyo Maria Lvova-Belova, oo ah madaxa madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda carruurta oo lagu eedeeyay in ay masaafuriyeen oo ay u soo wareejinayaan carruurta meelaha la haysto ee Ukraine”.

"Waa inaan la xisaabtannaa Ruushka. Waa inaan sare u qaadnaa hay'adaha qabanaya shaqada wanaagsan ee isku dayaya in carruurtan lagu celiyo qoysaskooda," ayey tiri danjire Thomas-Greenfield. "Waana inaan ugu baaqno Ruushka inuu joojiyo dagaalka naxariis darada ah ee gardarrada ah, una hoggaansamo waajibaadkiisa si waafaqsan sharciga caalamiga ah, oo isla markiiba uu soo celiyo dhammaan carruurta Ukraine."

XS
SM
MD
LG