Markii Xamaas ay weerar ba'an ku qaadday Israa'iil 7-dii Oktoobar, waxay billowday dagaal. Sida caadada ah, waa dadka rayidka ah ee labada dhinac kuwa dhibaatadu kasoo gaareyso. Kumannaan qof oo kasoo kala jeeday in ka badan 30 waddan ayaa lagu dilay laguna dhaawacay weerarradii ugu horreeya ee Xamaas iyo natiijada weerarrada aargoosiga ah ee Israa’iil.
Kahor inta aysan duqeynta bilaaban, Israa’iil waxay si cad uga digtay dadka rayidka ah ee ku nool Qaza inay ka baxaaan magaalada. Balse Xamaas ayaa dadka ku amartay inay guryahooda joogaan, waxayna xireen waddooyinka si aysan uga bixin. Waxaa cad in dadka rayidka ah ay u ahaayeen gaashaanka bini'aadamka ee xagjiriinta.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa yiri: "Waan ognahay in Xamaas aysan matalin dadka Falastiiniyiinta, iyo in rayidka Falastiiniyiinta aysan mas'uul ka ahayn xasuuqa ay geysato Xamaas." "Shacabka Falastiin waa in la ilaaliyo."
Marinka Qaza ayaa dhererkiisu dhan yahay 41 kiiloomitir iyo 6 ilaa 12 kiiloomitir oo ballac ah oo ku teedsan xeebta Mediterranean-ka, iyada oo bedkeedu dhan yahay 365 kiiloomitir laba jibaaran. Waxay hoy u tahay in ka badan 2,375,000 oo qof. Ku dhawaad hal milyan oo falastiiniyiin ah ayaa ku barokacay halkaas iyaga oo aan haysan waddo ay uga baxaan Qaza, taasoo la macno ah in gargaarka bini’aadinimo uu muhiim u yahay badbaadadooda.
"Waxaan sii wadeynaa inaan si dhow ula shaqeyno Masar, Israel, iyo la-hawlgalayaasha gobolka oo dhan iyo sidoo kale Qaramada Midoobay si aan u dhisno habab suurtagelinaya gargaarka bini'aadanimo ee joogtada ah inuu ku qulqulo dadka rayidka ah ee Gaza iyada oo aan faa'iido u lahayn Xamaas ama koox kale oo argagixiso," ayuu yiri Xoghaye Blinken.
“Maraykanku waxa uu 100 milyan oo doollar oo dheeraad ah u ballan-qaaday gargaar bini’aadantinimo ee Falastiiniyiinta ku sugan Gaza iyo Daanta Galbeed, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee gargaarka aanu siinay dadka Falastiiniyiinta labadii sano iyo barkii la soo dhaafay in ka badan $1.6 bilyan,” ayuu yiri Blinken oo raaciyay. "Taasi waxay Maraykanka ka dhigaysaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee waddan keliya ah ilaa hadda dadka Falastiiniyiinta ah. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan waddamada, gaar ahaan kuwa leh awoodda ugu weyn ee ay wax ku bixiyaan, inay nagu soo biiraan si aan ula kulanno codsiga Qaramada Midoobay ee xaaladda bini'aadantinimo ee Gaza. "
"Udubdhexaadka dadaalkeena lagu badbaadinayo nolosha dadka aan waxba galabsan ee iskahorimaadkan iyo colaad kasta, arrinkaas, waa aaminsanaanteena asaasiga ah in nolol kasta oo rayid ah ay qiimo isku mid ah leedahay," ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Ma jirto wax kala sareyn ah marka ay timaado ilaalinta nolosha rayidka. Qofka rayidka ah waa rayid, iyadoon loo eegayn dhalashadiisa, qowmiyadda, da'da, lab iyo dheddigga, caqiidadiisa."
Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.