Accessibility links

Breaking News

La-xisaabtanka kaligi taliska Suuriya


United States Iran Military Strikes
United States Iran Military Strikes

Xitaa kahor weerarradii argagaxa lahaa ee ay Xamaas ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, Ergeyga Gaarka ah ee Suuriya Geir Pedersen ayaa uga digay Golaha Ammaanka in dhaqdhaqaaqa millatari ee Suuriya uu ku fido dalalka deriska ah. Nasiib darro, erayadiisu waxay noqdeen kuwo tilmaamay waxa dhacaya, ayay tiri safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

"Kooxaha argagixisada, oo qaarkood ay taageerayaan nidaamka Suuriya iyo Iran, waxay ku hanjabayaan inay ballaarin doonaan colaadda ka baxsan Gaza, iyaga oo isticmaalaya dhulka Suuriya si ay u qorsheeyaan oo ay u qaadaan weerarro ka dhan ah Israa'iil. Waxaan sidoo kale aragnay weerarro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee Suuriya, kuwaas oo howshoodu ahayd – welina ay tahay – in ay ka adkaadaan Daacish. Waxay sheegtay in maamulka Suuriya uu u ogolaaday Iran iyo kooxaha argagixisada ah oo ay ku jirto Xisbullah inay garoomadeeda caalamiga ah u adeegsadaan arrimo ciidan." ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

"Waxaan ugu baaqaynaa maamulka [Suuriya] inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Iran ay taageerto ee Suuriya, joojiyaan qulqulka hubka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah ee dhulkeeda, ayna joojiyaan falalka sii hurinaya ee Buuraha Golan," ayay ka digtay Danjire Thomas Greenfield.

“Maraykanku waxa uu uga digay dhammaan dhinacyada ka faa’iidaysanaya xaaladda Gaza si ay u ballaadhiyaan ama u sii qotomaan colaadda, waxaanu si cad u sheegnay in aanu ka jawaabi doono weerarrada lagu qaado shaqaalahayaga iyo xarumahayaga Suuriya ama ka soo horjeeda danaha Maraykanka, iyo, haddii ay ku habboon tahay, waxaanu u gudano xaqa aan u leenahay inaan is difaacno si xoog ah, saami ah, iyo qaab yareynaya waxyeelada rayidka.

Ilaalinta rayidka ayaa weli ah welwelka koowaad, ayuu carrabka ku adkeeyay Danjire Thomas-Greenfield. "Waxaan aad uga xunnahay weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee ay fuliyaan taliska Asad, iyo weerarrada Ruushka ee waqooyiga Suuriya, kaasoo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah, barakiciyay in ka badan 100,000 oo qof, ayna burburiyeen kaabayaasha muhiimka ah."

Waxa kale oo muhiim ah in wax laga qabto "xaaladda bini'aadantinimo ee ba'an," ayuu carrabka ku adkeeyay Danjire Thomas-Greenfield. Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa qulqulka joogtada ah ee kolonyada Qaramada Midoobay ee ka gudbaya xuduudka Turkiga iyo Suuriya, kuwaas oo gargaar naf badbaadin ah siiya malaayiin qof oo u baahan.

"Laakiin waxaan maanka ku haynaa in qorshaha Qaramada Midoobay ee nidaamka ee ku saabsan isgoysyada Bab al-Salam iyo al-Rai uu dhici karo isla bisha November 13-keeda. Ma jirto sabab loo soo cusboonaysiin waayo nidaamkan, waxaanan ka codsanaynaa taliska Asad inuu sidaas sameeyo. Dhammaanteen waa inaan ku boorinnaa taliska inuu sidaas sameeyo,” ayay tiri.

Golaha amaanka iyo dhamaan wadamada xubnaha ka ah waa in ay sii wadaan garab istaaga shacabka suuriya xiliga ay u baahan yihiin.

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG