Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadday in masiibo bini’aadantinimo ka dhacday Qaza ,taas oo ay sabab u tahay colaadaha. Waxaa jira warar sheegaya in 11,000 oo rayid ah la dilay, oo u badan carruur iyo haween, laakiin tirada dhabta ah ayaa shaki la’aan ah inay intaas ka badan.
Dadka Gaza oo 2.2 milyan ah ayaa , 1.6 milyan ka mid ah ku barakaceen. Xaafado dhan ayaa dhulka lala simay. Waxaa jira cunto yar iyo biyo, mana jirto gabbaad laga galo dagaalka.
"Falalka Xamaas ee 7-dii Oktoobar waxay ahaayeen falal wuxuushnimo ah oo argagixisanimo ah, waxayna horseedeen waxa aan maanta arkayno," ayay tiri wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield. "Xamas ayaa mas'uul ka ah inay dhibaato badan oo macno darro ah u geysato dhammaan dhinacyada."
"Waqtigan xaadirka ah wuxuu dhammaanteen nagu baaqayaa inaan ka damqano dhibaatada Israa'iil iyo Falastiiniyiinta."Si dhibka heysta dunidu u aragto waa in aan dareenkeenna geyno halka ay joogaan ," ayay tiri.
Bartamihii bishii November, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2712, kaas oo ku baaqaya in la qaado tallaabooyin dhowr ah si loo yareeyo dhibaatada dadka rayidka ah. “Maraykanku waxa uu taageerayaa qaar badan oo ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee Goluhu qaatay, oo ay ku jiraan in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo la-haystayaasha ay haystaan Xamaas iyo kooxaha kale, iyo joojinta bini’aadantinimo si loo suurtogeliyo in si buuxda, degdeg ah, ammaan ah, iyo gargaar bani’aadamnimo loo gaadho rayidka Gaza,” ayuu tiri Ambassador Thomas-Greenfield.
"Waxaan u baahanahay inaan si degdeg ah kor ugu qaadno qulqulka cuntada, biyaha, iyo daawada," ayay tiri. “Shan diyaaradood oo u kireysnaa Mareykanka ayaa kuwii ugu horreeyay waxay ku soo degeen El Arish, iyagoo siday 49 tan oo nafaqo leh, oo diyaar u ah in la cuno. Laakiin shidaalka ayaa si aad ah loogu baahan yahay si saadka loo galiyo gacmaha kuwa u baahan. Qalad ha samayn: tani waa arrin degdeg ah. Dhankeena, Maraykanku wuxuu la shaqayn doonaa Qaramada Midoobay, Israa'iil, deeq-bixiyeyaasha kale, la-hawlgalayaasha gobolka si ay awood ugu siiyaan shaqaalaha bani'aadamnimada inay qabtaan shaqada aadka loogu baahan yahay si loo badbaadiyo rayidka."
"Xamaas ayaa si qoto dheer uga dhex milmay dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan isbitaallada. Tani waa argagax iyo cabsi" ayay tiri Danjire Thomas Greenfield oo intaas raacisay: "Laakin falalka Xamaas ma dhimayaan mas'uuliyadda Israel ee ah ilaalinta rayidka."
"Dhimasho kasta oo rayid ah waa masiibo, mid kasta oo ka mid ah ... Aan wada aqoonsanno bini'aadantinimada guud ee Israa'iil iyo Falastiiniyiinta labadaba. nabad, xorriyad iyo ammaan.” ayay raacisay.
Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.