Tan iyo horraantii bishii December, wax ka yar hal bil kaddib weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisada Xamaas ay ku qaadeen dadka rayidka ah ee Israa’iil, maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Yemen ayaa billaabay ku dhawaad maalin kasta weerarro diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha marinka Bab al-Mandab iyo marin-biyoodka Hormuz.
Sida laga soo xigtay Waaxda Difaaca Mareykanka, Xuutiyiinta ayaa qaaday in ka badan boqol weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ballistic-ga ah, kuwaas oo lala beegsaday maraakiib ganacsi oo ka kala yimid in ka badan 35 waddan oo kala duwan.
Marinka Bab al-Mandab ayaa isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed, halka marinka Hormuz uu yahay marin u dhaxeeya gacanka cadmeed iyo badda carabta. Waa marin badeed muhiim ah.
"Kororka dhawaanahan ee weerarrada Xuutiyiinta ee ka imaanaya Yemen waxay halis gelinaysaa ganacsiga xorta ah, waxay khatar gelinaysaa badmaaxiinta aan waxba galabsan, waxayna ku xad-gudbi doontaa sharciga caalamiga ah," ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin.
"Weeraradani waa kuwo aan taxaddar lahayn, khatar ah, waxayna xad-gudbinayaan sharciga caalamiga ah. Sidaa darteed, waxaan qaadaynaa tallaabo aan ku dhisayo isbahaysi caalami ah si wax looga qabto khatartan. "Tani maaha kaliya arrin Maraykan ah, waa arrin caalami ah, waxayna mudan tahay jawaab caalami ah." ayuu raaciyay Austin.
Diseembar 18, Xoghaye Austin wuxuu ku dhawaaqay "asaasida hawlgalka loo bixiyay Operation Prosperity Guardian, oo ah hindise cusub oo amni caalami ah oo hoos yimaada dallada CMF iyo Task Force 153, oo diiradda saarey amniga Badda Cas."
Intii lagu guda jiray kulan khadka tooska ah 19-kii Disembar oo ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha sare ee difaaca ee 43 waddan iyo wakiillada Midowga Yurub iyo NATO, Xoghaye Austin ayaa cambaareeyay weerarrada maraakiibta caalamiga ah iyo ganacsiga caalamiga ah oo aan horay loo arag, wuxuuna ku booriyay dalal badan inay ku biiraan dadaalka.
"Howlgalka Operation Prosperity Guardian wuxuu isu keenaa dalal badan...si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha amniga ee koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo ujeedadu tahay in la xaqiijiyo xorriyadda socdaalka dhammaan waddamada iyo horumarinta amniga gobolka iyo barwaaqada," ayuu yiri Xoghaye Austin.
"Badda Cas waa marin biyood muhiim ah oo lagama maarmaan u ah xorriyadda socdaalka, iyo marin ganacsi oo weyn oo fududeeya ganacsiga caalamiga ah. Dawladaha doonaya in ay ilaaliyaan mabda'a aasaasiga ah ee xorriyadda socdaalka waa in ay isu yimaadaan si ay uga hortagaan caqabada ka imanaysa kuwan aan- jilaa dawladeed oo bilaabay gantaalaha ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maraakiibta ganacsi ee ka imanaya waddamo badan oo si sharci ah uga gudbaya biyaha caalamiga ah. " ayuu raaciyay Austin.
Tani waxay ahey faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.