Accessibility links

Breaking News

Mudaaharaade kale oo Iran lagu daldalay


 اعدام | Execution 
 اعدام | Execution 

23-kii Janaayo, taliska Iran ayaa daldalay Mohammad Qabadlou oo 23 jir ahaa. Waa mudaaharaadihii sagaalaad ee caan ka ahaa Iran ee lagu dilo, iyada oo lala xiriirinayo mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka sanadkii 2022.

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka muddo bilo ah kadib markii Mahsa Amini oo 22 jir ah ay ku dhimatay xabsiga booliska sababo la xiriira in aysan si fiican u xiran xijaabka. Dibad-baxayaal nabadeed ayaa la kulmay xoog arxan darro ah. Shan boqol oo qof ayay ciidamada ammaanku ku dileen bannaanbaxyada; Kumanaan ayaa la xiray. Tiro aan la garanayn ayaa weli xabsiga ku jira.

Qabadlo oo la sheegay in uu qabay xanuun dhanka dhimirka ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo uu u geystay askari ka tirsan ciidamada booliska. Kadib maxkamad ay khubarada Qaramada Midoobay, Amnesty International iyo ururada kale ee xuquuqul insaanka ay sheegeen in ay cadaalad darro weyn tahay, ayaa lagu xukumay dil. Qareenkiisa ayaa sheegay in maxkamadda sare ee Iran ay hakisay xukunka; Si kastaba ha ahaatee, qareenka ayaa lagu wargeliyay go'aanka lagu fuliyay Gabadlo saacado ka hor inta aan la dilin kaaliyihiisa.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Vedant Patel ayaa cambaareeyay taliska Iran “isticmaalka ciqaabta dilka ah ee dadka lagu ciqaabayo waxa aan aaminsanahay inay tahay ka faa’iidaysiga xuquuqdooda bini’aadminimo”. Waxa uu xusay, "Waxaa jiray ... warbixino baahsan oo jirdil, qirasho qasab ah, iyo xayiraado la saaray qareenka." Waxaan aaminsanahay in waxaas oo dhami ay wiiqayaan kalsoonidii lagu qabay go'aannada ay soo saaraan maxkamadaha Iran.

Tan iyo markii taliska Iran uu caburinta ba’an ku hayay mudaaharaadyadii ka dhacay guud ahaan dalka kadib dhimashadii Mahsa Amini, Mareykanka waxa uu ku soo rogay in ka badan 12 wareeg oo cunaqabateyn ah oo ay kaga jawaabayaan, taasoo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha Iran, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo ciidamada sharci fulinta, madaxa Ururka Xabsiyada Iran, shaqsiyaadka kale, iyo xarumaha warbaahinta ee ku lug leh faafreebka.

"Mareykanka," ku xigeenka afhayeenka Patel, wuxuu sii wadi doonaa inuu qaado tallaabooyinka lagu taageerayo dadka Iran siyaabo wax ku ool ah, labadaba la arko iyo kuwa aan la arki karin, iyada oo la kaashanaysa xulafadayada iyo saaxiibadayada gobolka sidoo kale.

Waxaan kaliya oo aan xusi doonaa in marka ay timaado in lagula xisaabtamo taliska Iran dhaqdhaqaaqyadiisa gurracan, oo ay ku jiraan caburinta uu ku hayo shacabkiisa, kama waaban doono inaan tallaabo qaadno."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG