Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Hoggaamiyihii Xisbullah Kataa’ib ee dalka Ciraaq


People watch as a vehicle that was hit by a drone strike, reportedly killing three people including two leaders of a pro-Iran group, is carried away in Baghdad on February 7, 2024.
People watch as a vehicle that was hit by a drone strike, reportedly killing three people including two leaders of a pro-Iran group, is carried away in Baghdad on February 7, 2024.

Isagoo ka jawaabaya in ka badan 160 weerar oo dagaalyahannada Iran ay taageerto ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ee qeybta ka ah isbaheysiga la dagaallamaya ISIS, Mareykanka ayaa 2-dii bishii Febraayo duqeymo xagga cirka ah ku qaaday tobaneeyo bartilmaameed oo ku yaal Ciraaq iyo Suuriya oo ay adeegsadaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo kooxaha gacan saarka la leh.

Goobaha la bartilmaameedsaday ayaa isugu jiray xarumaha taliska iyo kantaroolka, gantaalaha, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha kaydinta iyo silsiladaha sahayda.

Kaddib markii saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay, in badan oo kalena lagu dhaawacay weerar 28-kii Janaayo lagu qaaday xarun Urdun ku taal oo martigelinaysay ciidamada Maraykanka ee howlgalka ka dhanka ah Daacish, Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday weerarradaas xarumaha iyo rasaasta ay adeegsadaan Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo kooxaha la xiriira. Waxa uu sidoo kale soo saaray digniin: "Dhammaan kuwa doonaya inay na waxyeelleeyaan ha ogaadaan: Haddii aad dhaawacdo qof Maraykan ah, dib ayaan u celin doonnaa."

7-dii Febraayo jawaabtaas waxay keentay dhimashada taliyihii Kata’ib Hezbollah ee Baghdad, kaas oo Pentagon-ku ay u aqoonsatay Wissam Muhammad Sabir al-Saadi, oo loo yaqaan Abu Baqir al-Saadi. Weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hal dhinac ayaa dhacay 9:30 fiidnimo, xilli al-Saadi uu ku socdaalayay gaari marayay waddo Baqdaad ah. Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya burbur dammaanad ah ama khasaare rayid ah xilligan."

Ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Vedant Patel ayaa xusay in Kata’ib Hezbollah, oo ah koox malleeshiyo la ah Iran, ay tahay urur argagixiso oo loo aqoonsaday.

“Taliyahani waxa uu si toos ah mas’uul uga ahaa qorsheynta iyo ka qayb qaadashada weerarrada lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee gobolka. Waxaan sheegnay in weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga ee ay wadaan kooxaha isku magacaabay iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq loo baahan yahay in la joojiyo. Haddaba, haddii aan sii wadno in aan aragno hanjabaadaha iyo weerarada ka imaanaya kooxahan maleeshiyada ah, waxaan kaga jawaabi doonnaa; waxaanu qaadi doonaa talaabooyinka ku haboon si aanu ula xisaabtano,” ayuu yiri.

Markii John Kirby, Isuduwaha Amniga Qaranka ee Isgaadhsiinta Istaraatiijiga ah, la waydiiyay in Maraykanku uu hadda soo gabagabeeyay weeraradii aargoosiga ahaa ee lagu dilay dadka Maraykanka ah ee Jordan, wuxuu ku jawaabay: "Waa inaad sugtaa oo aragtaa."

Afhayeenka Pentagon-ka Major General Pat Ryder ayaa ku nuuxnuuxsaday in diiradda ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ay weli tahay guuldaradii joogtada ahayd ee Daacish. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si cad u sheegay in "Mareykanku uu sii wadi doono qaadista tillaabada lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo dadkeena. Mana ka waaban doono inaan mas’uuliyadda dusha ka saarno dhammaan kuwa wax u dhimaya amniga ciidamadeena.”

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG