Accessibility links

Breaking News

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar la taaban karo


Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud addresses the media inside his office in Mogadishu
Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud addresses the media inside his office in Mogadishu

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guulo la taaban karo ka gaartay dadaalka ay ugu jirto sidii loo heli lahaa dal xasiloon, ammaan iyo barwaaqo ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhinaca dhaqaalaha, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay bishii Disembar in Soomaaliya gaartay bartay Dhamaystirka ee waddamada hoos yimaada Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha culus lagu leeyahay. Taas ayaa la macno ah in Soomaaliya ay hoos u dhigtay deymaha dibadda looga leeyahay oo ahayd $5.3 bilyan dhamaadkii 2018, kuwaas oo noqday $600 oo milyan dhammaadkii sanadkii hore.

Barta Dhamaystirka waxa lagu gaayay hirgelinta dib-u-habayn isdaba joog ah dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Waxayna Soomaaliya hadda heli kartaa maalgelin dibadda ah oo cusub si ay gacan uga geysato dardargelinta kobaca dhaqaalaha, horumarinta xaaladaha bulshada, iyo sidii dadkeeda looga saari lahaa faqriga.

Soomaaliya waxaa sidoo kale loo oggolaaday in ay ka mid noqoto bulshada Bariga Afrika, oo ah urur goboleed ay ku mideysan yihiin dowladaha gobolka, waxaana dalka uu sameeyay ajande ku saabsan dib u habeynta dastuurka.

“Maraykanku waxa uu ugu hambalyeynayaa Soomaaliya horumarkii dhaqaale ee ay dhawaan samaysay, oo ay ku jirto ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo in la gaaaroo heerka dhammaystirka Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahay,” ayuu yiri Robert Wood, oo ah ergeyga hawlaha gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan rajeyneynaa in horumarradan ay fududeeyaan kobac dhaqaale oo degdeg ah iyo fursado ay helaan shacabka Soomaaliyeed, dhanka siyaasadda waxaan xuseynaa in baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan ansixiyay habraaca habraaca loo marayo dib-u-eegista dastuurka, waxaan aad u taageersanahay in si hufan oo loo wada dhan yahay loo helo. hab u horseedi doona dib-u-habayn ku salaysan is-afgarad." ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku waxa uu ka walaacsan yahay Heshiis Is-afgarad ah oo dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo aan Caalamka aqoonsanayn, kaas oo Itoobiya oo aan bad lahayni siinaysa Gacanka Cadmeed. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland u aqoonsan doontaa dal madax-bannaan.

Maraykanku waxa uu ka walaacsan yahay “in ay khalkhal galin karaan saamaynta MOU-ku yeelan karo...iyada oo aan ogolaansho laga haysan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,” ayuu yidhi danjire Wood.

“Maraykanku waxa uu ku biiray A.U. [Midowga Afrika] iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah in aan ku celinno taageeradayada madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kuna boorrinayna wadahadal diblomaasiyadeed si loo dejiyo xiisadaha. Waa muhiim in arrintan aysan ka weecin caqabadaha muhiimka ah ee dowlad dhisidda ee weli ka jira Soomaaliya." ayuu yiri.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. "Mareykanka waxaa ka go'an inuu daba galo magacyada shaqsiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee la cunaqabateeyay," ayuu yiri danjire Wood, "waxaan ku boorrineynaa [in] dowladaha xubnaha ka ah inay nagu soo biiraan hannaankan."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG