Accessibility links

Breaking News

Weerarada argagixisada ee Xuutiyiinta waa in ay istaagaan


Faalladan waxa ay ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Markab labaad oo xamuul ah ayaa ku quusay Badd Cas kadib markii ay weerareen Xuutiyiinta. 12-kii June, markabka laga leeyahay Greece ee M/V Tutor ayaa waxaa lala beegsaday diyaarad drone ah oo sida bam iyo gantaallo. Qof ka mid ah shaqaalaa Tutor ayaa lagu dilay, taasi oo afar qof ka dhigeysa bad-maaxayaasha ku dhintay weerarada noocaas ah. 13-kii June, Xuutiyiinta ayaa weeraray Markab laga leeyahay Ukraine oo lagu magacaabo M/V Verbena, ayaga oo si xooggan u dhaawacay qof ka mid ah shaqaalaha.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ku warramay in tan iyo 19-kii November ay dhaceen 190 weeraro oo Xuutiyiinta ay la beegsadeen maraakiib ganacsi. Intooda badan waxaa ka hortagay ciidamada Mareykanka iyo kuwa caalamiga, balse nasiib darro lagama wada hortagin dhammaantood.

Xuutiyiinta fadhigoodu yahay Yemen, ayaa kordhiyey weeraradooda diyaardaaha drone-ka iyo gantaallada ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsi tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaadeen Israel 7-dii October iyo howlgalkii militari ee xigay ee Israel ay ka billowday Gaza.

Ayaga oo weeraray maraakiibta ganacsi, Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay matalayaan Falastiiniyiinta, hase yeeshee sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka ee dhanka warfaafinta, John Kirby, waxa ay beegsanayaan oo ay halis geliyaan nolosha dalal saddexaad oo aan wax shaqo ah ku lahayn dagaalka.

“Xuutiyiinta waxay dileen shaqaale aan waxba galabsan oo u dhashay Philippines, waxayna si xun u dhaawaceen mid kale oo Sri Lankan, oo aan wax dambi ah gelin, kuwaas oo gudanayey oo kaliya shaqadooda. Wax hub ma aysan gaarsiineyn Israel.

Dhinacna kalama aysan jirin xiisadda Bariga Dhexe. Waxay saarnaayeen kaliya Markab ayaga oo xoogsanayey noloshooda … tani waa argagixisanimo cad. Ma jiro wax kale oo lagu qeexo,” ayuu yiri Kirby.

Xitaa dadka Yemen ayaa la dhibaateeyey, ayuu yiri Kirby, ayada oo Xuutiyiinta ay weerareen Markab haruur ka dejinayey dekadaha Yemen.

“Weeraradan waxay sidoo kale caqabad ku noqdeen gargaarka bani’aadannimo ee ku socda Sudan, halkaasi oo baahi weyn ay ka jirto xaaladduna ay tahay quus, waxayna saameeyeen ganacsiga dal kasta oo deris la ah oo ku yaalla Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.”

Ayada oo ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda Mareykanka ay uga hortageyso weerarada Xuutiyiinta, Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday cunaqabatayno ka dhan ah shaqsiyaadka iyo hay’adaha ku lugta leh qeybta hubka Xuutiyiinta.

“Weerarada Xuutiyiinta … waa mas’uuliyad darro,” ayuu yiri John Kirby. “Kalama jecla Falastiiniyiinta Gaza, waa argagixisinmo, sida aan sheegay, waana in ay istaagtaa,” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG