Accessibility links

Breaking News

Taageeridda Ukraine waa taageeridda amniga caalamka


Faalladan waxay ka tarjumeysaa aragtida dowladda Mareykanka

Taageerada Mareykanka ee Ukraine inta ay socdaan weerarad foosha xu nee Ruushka, way ka badan tahay taageerida saaxiib dhow. Waa go’aan “lagu ilaalinayo xeerarka iyo dhaqamada caalamiga ah, laguna difaacayo qiyamka dimoqraadiga, loogana hortagato kaligii taliye,” waxaa sidaas tiri madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris, oo ka hadashay shirka nabadda Ukraine ee ka dhacay Switzerland.

“Gardarrada Ruushku ma aha oo kaliya weerar lagu qaadayo nolosha iyo xorriyadda dadka Ukraine. Ma aha oo kaliya weerar lagu qaaday amniga cuntada iyo saadka tamarta adduunka. Gardarada Ruushku waxa kale oo ay weerar ku tahay qawaaniinta caalamiga ah iyo xeerarka iyo mabaadiida ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay,” ayey tiri.

In la iska indho tiro xeerarkii Axdiga Qaramada Midoobay ee muddada dheer la soo dhisayey ayaa khatar weyn ku ah amniga caalamka. Waxaa jiri doona cawaaqib xun haddii dalalka ku guulaystaan inay si sharci darro ah u weeraraan dalalka deriska ah.

"Haddii dunidu ay ku guuldareysato inay ka jawaabto marka dal gardaro ku socda uu galo deriskiisa, kuwa kale ayaa shaki la'aan ku dhiirran doona. Waxay dunida ku keenaysaa qabsasho iyo fowdo, ee ma keeneyso nidaam iyo xasillooni, taasoo khatar ku ah dhammaan quruumaha.”

Si looga hortago falalka xasillooni darrada ah ee Ruushka, madaxweyne ku xigeenka Harris ayaa sheegtay in shir-madaxeedka nabada uu leeyahay faa'iidooyin laba geesood ah oo ka shaqeynaya kor u qaadista tamarta iyo amniga cuntada, iyo in la hubiyo in "wax ku saabsan dhammaadka dagaalkan aan la go'aansan karin Ukraine la'aanteed." Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay hindise taas samaynaya, ayay tiri.

“Waa inaan runta ku hadalnaa. Kuma baaqayo wada xaajood. Wuxuu ku baaqayaa in la is dhiibo. Maraykanku wuxuu garab taagan yahay Ukraine, ma aha si samafal ahaan, laakiin sababtoo ah waxaa ku jirtaa danteena istiraatiijiga ah. Waxa aanu garab taaganahay wufuud ka kala socota in ka badan 90 wadan oo iyaguna dan istiraatijiyadeed ka leh nabad xaq ah oo ka dhacda Ukraine.”

Dagaalka aan loo meel dayin ee Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine waxa uu halis gelinayaa midnimada iyo amniga caalamka. Maraykanka ayaa sii wadi doona taageerada uu siiyo Ukraine, wuxuuna sii wadi doonoaa inuu kharashkaas dusha ka saaro Ruushka, ayey tiri Harris. "Waxaana sii wadi doonnaa inaan ka shaqeyno nabad waarta oo cadaalad ah oo ku saleysan mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay iyo rabitaanka dadka Ukraine."

XS
SM
MD
LG