Accessibility links

Breaking News

U ololeynta xuquuqda aadanaha iyo ammaanka Kenya


Falladan waxay ka tarjumeysaa aragtida dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka waxay u ololeynaysaa badbaadada iyo ammaanka Kenya. Mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Nairobi ka dib markii la soo jeediyay hindise sharciyeedka maaliyadda, kaasi oo canshuur kordhin ka sameyn lahaa dalka.

Waxaa jiray "warbixin si wanaagsan loo diiwaangeliyey oo ku saabsan rabshado ka dhanka ah dibad-baxayaasha," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo uu qabtay. Maraykanku waxa uu ugu baaqayaa dawladda Kenya “inay isticmaasho habab aan halis ahayn oo ay ka hortagto waxyeelada rayidka marka ay la macaamileyso mudaaharaadyada nabadeed.”

“Marka waxaan cambaareyneynaa rabshadihii laga soo sheegay mudaaharaadyadii Nairobi iyo Kenya oo idil. Waxaan ka tacsiyeynaynaaa geerida iyo dhaawaca, waxaana u tacsiyeyneynaa qoysaskii ay eheladooda ku waayeen. Waxaan boorineynaa in la is-xakameeyo si loo soo celiyo nidaamka iyo madal la siiyo wadahadalka."

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dib uga laabtay sharciga canshuuraha. Bayaan uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayuu uga mahadceliyey madaxweyne Ruto inuu qaaday tillaabooyinka lagu dhimayo xiisadaha, uuna ballan qaaday inuu wadahadal la geli doono dibadbaxayaasha iyo bulshada rayidka ah.

Xoghaye Blinken ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ammaanku aysan ku dhaqaaqin rabshado, wuxuuna dhiirigeliyay in baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Kenya waxa ay sidoo kale gacan ka geysatay in ay si mutadawacnimo ah ugu tabarucdo ciidan nabadeed oo loogu talagalay Hawlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah iyada oo ujeedadu tahay soo celinta amniga iyo barwaaqada Haiti.

Afhayeen Miller ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan shaqaalaha, oo ay ku jiraan kuwa Kenya iyo dalalka kale ay helaan tababaro adag oo ku saabsan xuquuqda aadanaha ka hor inta aan la geyn.

"Waan sii wadi doonaa inaan la hadalno, oo aan hubinno shaqaalaha ka qaybqaadanaya howlgalka, sababtoo ah sida iska cad waa muhiim in xuquuqda aadanaha ee dadka Haiti la ixtiraamo maadaama howlgalkan lagu soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta."

Mareykanka waxaa ka go'an inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda Kenya iyo shacabka inta ay ka shaqeynayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dhaqaale, iyadoo la hubinayo in xuquuqda aadanaha laga ilaaliyo Kenya iyo adduunka oo dhan.

XS
SM
MD
LG