Accessibility links

Breaking News

Kala shaqeynta Israel qaboojinta colaadda Bariga Dhexe


Faalladan waxay ka tarjumeysaa aragtida dowladda Mareykanka.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa dhawaan la kulmay wasiirka difaaca ee Israel Yoav Gallant si ay uga wadahadlaan sidii nabad waarta looga dhalin lahaa bariga dhexe.

Mid ka mid ah walaaca ugu weyn ayaa ah dhaqdhaqaaqyada khalkhalgelinta ah ee Iran, oo ay ku jiraan taageerada kooxaha argagixisada ah ee Xizbullah ee Lubnaan. "Waxaan aad uga walaacsanahay kororka weerarrada gantaallada ee waqooyiga Israa'iil ee ka imanaya Xisbullah ee Lubnaan iyo xiisadaha sii kordhayey dhowaanahan," ayuu yiri Xoghaye Austin.

"Weerarada gantaallada ee Xizbullah waxay uga dhigan yihiin in ka badan 60,000 oo Israa'iiliyiin ah ay hadda ka barakaceen guryahoodii, iyo tobanaan kun oo barakacayaal ah oo Lubnaaniyiin ah. Daandaansiga Xizbullah waxa uu horseedayaa in ay dadka Israa’iil iyo Lubnaan ku jiidayaan dagaal aanay rabin, dagaalkan oo kale waxa uu masiibo ku noqon doonaa Lubnaan, waxana uu dhibaato ku noqon doonaa dadka rayidka ah ee Israa’iil iyo Lubnaan ee aan waxba galabsan.”

Xalka diblomaasiyadeed ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu soo celin karo xasilooni waarta oo ka dhacda xuduudka Israel iyo Lubnaan, ayuu yiri xoghaye Austin. Xizbullah ayaa weeraradeeda Israel ku xirtay colaadda Gaza, taasi oo ah sabab kale oo ay tahay in loo ansixiyo xabbad joojinta iyo hindisaha lagu sii daynayo la haystayaasha ee ay Israa'iil soo bandhigtay oo ay ansixiyeen madaxweyne Joe Biden iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Si kastaba ha ahaatee, Xamaas wali ma aqbalin shuruudahan.

"Fashilka Xamaas ee ah inay aqbasho soo jeedintan muhiimka ah waxay sii dheeraynaysaa silica rayidka Falastiiniyiinta iyo Israa'iil. Haddaba, Israa’iil waxay dhawaan qaadday hawlgal geesinimo leh oo ay ku soo furatay afar la hayste oo ay Xamaas si xaq-darro ah ugu haysteen Gaza. Ma nasan doonno ilaa dhammaan la-haystayaasha ay si nabad ah ugu soo guryo noqdaan, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Mareykanka.”

Xoghaye Austin ayaa sheegay in inkasta oo "Israa'iil ay dagaal adag kula jirto cadaw aan naxariis lahayn," waa in ay sii wadaa in ay wax badan qabato si loo ilaaliyo Falastiiniyiinta Gaza oo ay sii waddaa kordhinta qulqulka gargaarka bini'aadanimo ee Gaza.

Mareykanka ayaa sidoo kale la shaqeyn doona Israa'iil iyo maamulka Falastiiniyiinta "si loo kordhiyo ammaanka Daanta Galbeed iyo in Gaza lagu soo dabaalo qorshe lagu kalsoonaan karo muddo ka dib dagaalka, iyada oo loo marayo waddo xal laba waddan ah."

"Israa'iil iyo Falastiin labaduba waxay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan sharaf iyo ammaan. Marka aynu hore u sii soconno, xiriirkeena amniga ee aan la leenahay Israa'iil wuxuu ahaan doonaa mid adag.

Maraykanku waxa uu mudnaan siin doonaa ilaalinta nafta bini’aadamka ee Bariga Dhexe, waxana uu si dhow ula shaqayn doonaa Israa’iil si loo hubiyo in aanay colaaddu ka sii darin gobolka.

XS
SM
MD
LG