Accessibility links

Breaking News

Caburin diin iyo mid qowmiyad oo ka socda Shiinaha


Tani waa Faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Jamhuuriyadda Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa diidday in ay wax tallaabo qaaddo, xiili ay jiraan baaqyo isdab- joog ah oo ka imanaya beesha caalamka oo ku aaddan ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah.

PRC (Jamhuuriyadda Shuuciga ah ee Shiinaha) waxa ay diiday talooyin badan oo wax ku ool ah oo uu soo gudbiyay Guddi hoosaad ka tirsan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Michèle Taylor waa Wakiilka Joogtada ah ee Maraykanka u fadhisa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa tiri:

“Maraykanku waxa uu cambaaraynayaa xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacaya Tibet, gudaha Mongolia, iyo guud ahaan Shiinaha; Xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada ee ka socda Xinjiang; iyo in meesha laga saaray ixtiraamidda xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee Hong Kong."

“Xadgudubyada Shiinaha waxa ay ka dhigan yihiin diidmadiisa qiimeynta iyo talooyinka Qaramada Midoobay waxayna jebinayaan ama wiiqayaan ballanqaadyada caalamiga ah iyo waajibaadka sharciga ah."

Si kor loogu qaado la xisaabtanka difaacitaanka xuquuqda aadanaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay xayiraad dhinaca dal ku-galka ah ku soo rogi doontaa saraakiisha PRC ee ku lugta leh caburinta bulshooyinka loogu tacaddiyo diinta ay aaminsan yihiin ama qowmiyadda ay u dhasheen awgeed.

Matthew Miller oo ah afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yiri:

“Waxa aan ugu baaqaynaa PRC in ay u hoggaansanto mabaadi’da ku xusan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo in ay aqbasho talooyinka badan ee la soo jeediyay sanadkan inta lagu guda jiray Dib-u-eegista Muddada Caalamiga ah ee diiwaanka xuquuqul insaanka ee Shiinaha, oo ay ku jirto in si shuruud la'aan ah lagu sii daayo muwaadiniinta Shiinaha ee ay u xiran sabab la'aan iyo cadaalad darro.”

XS
SM
MD
LG