Accessibility links

Breaking News

Ka caawinta dadka Ciraaq baahiyaha tamarta


Tani waa Faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa 120 maalmood Ciraaq ugu kordhiyay muddada loo oggol yahay dalkaasi in uu Shidaal kaga iibsado Iran iyadoo aan cunnaqabateynta Mareykanka lagu soo rogi doonin muddadaasi. Ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel ayaa xusay in tani ay tahay markii 22-aad ee muddadan la kordhiyo, si Ciraaq ay u sii waddo horumarinta awoodda tamarteeda iyo in ay abuurto hab ay uga maarmeyso tamarta Iran.

“Oggolaanshiyahan ayaa ah mid muddo gaaban ah, waana tallaabooyin boos buuxis ah si xasillooni tamarta ah loo helo. Waxa ugu danbeeya ee aan dooneyno ayaa ah, waxaan rabnaa dadka Ciraaq, in sida aan u rabno waddan kastaba, ay iyana u helaan tamar joogto ah, oo ammaan ah, taasi oo muhiim u ah mashaariic badan oo kaabayaasha rayidka ah, xarumo rayid ah.”

Maraykanku waxa uu ku dhiirigaliyay dowladda Ciraaq in ay qaaddo tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo dadaallada lagu doonayo in lagaga takhaluso ilaha tamarta Iran, sida uu yiri Afhayeen Patel.

“Sanadihii la soo dhaafay taasi ayaan sidoo kale aragnay. Hadda qiyaasteenu waa in ay [Ciraaq] ku tiirsan tahay Tamarta Iran qiyaastii 25 boqolkiiba. Dhowr sano ka hor, tiradaasi waxa ay ahayd 40 boqolkiiba. Sannadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay saaxiibadeenna Ciraaq oo laba jibaaray awooddeeda koronto ee iyada u gaarka ah. Markaa waxaanu aragnaa horumar iyo talaabooyin loo qaaday dhinaca saxda ah, waxaanu doonaynaa in aan sii wadno in aan aragno qorshe cad, oo ay ku jiraan marxalado macquul ah oo la qiyaasi karo.”

Dhaqaalaha ay Ciraaq ku iibsatay shidaalka Iran ayaa lagu hayaa akoonno xaddidan oo ka baxsan Ciraaq, waxaana lacagtaasi loo adeegsan karaa oo keliya in lagu soo iibiyo badeecooyinka bini’aadantinimo ee ay faa'iidada u leh shacabka Iran. "Fikir kasta oo ku saabsan in lacagaha noocan ah la siiyo Iran waa been abuur," ayuu yiri afhayeenka, Patel.

Horraantii sanadkan, ka dib markii uu Aqalka Cad kula kulmay ra'iisul wasaaraha Ciraaq Maxammed Shiica Al-Sudani ayuu Madaxweyne Joe Biden waxa uu bogaadiyay horumarka Ciraaq ee ku aaddan isku filnaanta tamarta, waxa uuna ka hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka si loo hubiyo in Ciraaq ay isku filnaato marka la gaaro 2030-ka.

Cusbooneysiinta ah in Ciraaq laga dhaafay in Mareykanku uu u cunnaqabateeyo tamarta ay ka hesho Iran awgeed ayaa abuureysa fursadda lagama maarmaanka u ah Ciraaq si ay usii waddo dadaalka ay ku hiigsaneyso isku filnaasho.

XS
SM
MD
LG