Accessibility links

Breaking News

Venezuela waxay qabatay doorashooyin madaxweyne oo rabshado wata


Anti-Maduro protests spread as Venezuelan opposition says he stole vote, in Maracaibo
Anti-Maduro protests spread as Venezuelan opposition says he stole vote, in Maracaibo

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka:

Venezuela ayaa 28-kii July waxaa ka dhacay doorasho madaxtinimo oo aad u qarribneyd. Iyadoo 80 boqolkiiba codadka la tiriyay, Nicolas Maduro ayaa helay in ka badan 51 boqolkiiba codadka, isagoo ka adkaaday musharraxa xisbiga Democratic Unitary Platform Edmundo González Urrutia oo helay in ka badan 44 boqolkiiba codadka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Doorashooyinka Qaranka.

Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa dadka reer Venezuela ku ammaanay ka qeyb galka doorashada waxaana uu ku bogaadiyay “geesinimadooda iyo sida ay uga go’an tahay dimoqraadiyada xilli ay wajahayaan cadaadis iyo dhibaateyn.” Si kastaba ha ahaatee, waxa uu muujiyay niyad-jab ku saabsan natiijada codbixinta:

“Waxa aan walaac weyn ka qabnaa in natiijada lagu dhawaaqay aysan ka tarjumayn rabitaanka ama codadka dadka Venezuela. Waxaa muhiim ah in cod kasta loo tiriyo si caddaalad ah oo daah-furan, in saraakiisha doorashadu ay si degdeg ah xogta ula wadaagaan mucaaradka iyo kormeerayaasha madaxa-bannaan iyada oo aan dib loo dhigin, iyo in hay'adaha doorashooyinku ay daabacaan faahfaahinta ururinta codadka. Beesha Caalamku aad ayay isha ugu haysaa arrintan, waxayna uga jawaabi doontaa sida ugu habboon.”

Sheegashada wax isdabamarinta doorashada ayaa bilaabatay markii codadka la tirinayey - oo ay ku jirto wakiillada mucaaradka oo loo diiday in ay galaan xarunta golaha doorashada qaranka markii ay tirinayeen codadka. Golaha doorashada ayaa lagu dhaliilay dhexdhexaadnimo la’aan.

Dhabtii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sannadkii hore walaac ka muujisay waxa ay ku sheegtay in ay yihiin "dadaal socda oo lagu doonayo in dib loogu kala shaandheeyo dhismaha golaha", halka baarlamaanka Yurub uu bishii Febraayo ansixiyay eedeymo ah in maamulka Maduro in uu isbedel ku sameeyay Golaha Qaranka ee Doorashooyinka, oo ay ku sheegtay in “loogu talagalay in lagu carqaladeeyo geeddi-socodka doorashada oo meesha looga saaro rajo kasta oo dib loogu soo celinayo dimoqraadiyadda."

Dadaallada uu Maduro ku doonayo in uu ku farageliyo doorashada ayaa si wanaagsan u billowday ka hor inta aysan furmin goobaha codbixinta Axaddii. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Laboratorio de Paz, ugu yaraan 71 qof ayaa si aan sharciga waafaqsanayn loo xidhay intii lagu jiray ololihii doorashada – oo badankood ay caawiyeen mucaaradka.

Xukuumada Maduro ayaa sidoo kale caqabad ku ah malaayiinta reer Venezuela ee dibadda ku nool in ay codkooda dhiibtaan, iyadoo ay caqabadahaasi ka mid tahay in baasaboorka aan si weyn loo heli karin iyo shuruudaha degenaanshaha dalkaasi.

Waxaa intaa dheer, kaliya tiro aad u kooban oo goobjoogeyaal doorasho ah ayaa loo oggolaaday in ay kormeerayaal ka noqdaan codbixinta.

Doorashadani waxa ay ahayd doorasho ay dadka reer Venezuela sameeyaan, ayuu yiri Xoghaye Blinken, “Dadka reer Venezuela waxa ay mudan yihiin doorasho si dhab ah uga tarjumaysa rabitaankooda, oo ka madax bannaan wax kasta oo wax isdaba marin ah.” Taasi waa sababta ay tahay in cod kasta loo tiriyo si caddaalad ah oo hufan.

Taasi waxa ay ahayd faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG