Accessibility links

Breaking News

Mudaharaadadii ka socday Bangladesh oo keenay isbedel maamul


BANGLADESH-POLITICS-UNREST
BANGLADESH-POLITICS-UNREST

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka:

Ra'iisul wasaarihii Bangladesh Sheikh Hasina ayaa si lama filaan ah isku casishay oo dalkeeda ka baxsatay 5-tii August ka dib markii dowladdu ay gacan adag uga hortagtay mudaaharaadyo ay dhigayeen ardayda, iyadoo taasina ay dhalisay kacdoon looga soo horjeedo xukunkeeda. Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku dhintay intii ay mudaaharaadyadu socdeen, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Waker-Uz-Zaman ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah.

Mudaaharaadyada ardayda ayaa kowdii July si nabad ah uga bilowday Jaamacadda Dhaka ka dibna waxa ay ku fideen xarumaha kale iyo magaalooyinka dalka oo dhan iyadoo ku dhawaad maalin kasta ay mudaaharaadyo dhacayeen. Wixii markaasi ka dambeeyay, isku-dhacyada u dhexeeya ciidamada ammaanka, dibad-baxayaasha iyo taageerayaasha dowladda ayaa sii kordhayay, iyadoo Bangladesh ay adeegsatay Guutada ciidamadeeda gurmadka degdeg ah (Rapid Action Battalion). Guutadan ayaa waxaa cunaqabateyn saaray Mareykanka 2021-kii ka dib “eedeymo baahsan oo ku saabsan xadgudubyo daran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.”

Arday badan oo reer Bangladesh ah ayaa dalbanayay in la joojiyo nidaamka kootada ee dowladda, kaasi oo in ka badan kala bar shaqaalaha dowladda u xiray ama u qoondeeyay qeyb gaar ah oo ka mid ah bulshada. Shaqooyinkaasi dadka loo xiray ayaa ah kuwa joogto ah oo mushaar fiican leh, waxayna ardaydu dalbanayeen in shaqaaleysiintu ay noqoto mid si caddaalad ah lagu bixiyo.

“Mareykanku waxa uu garab taagan yahay shacabka Bangladesh,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller mar uu dhowaan warbaahinta la hadlayay:

“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan rabshado kale. Dad aad u tiro badan ayaa ku dhintay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaana ku boorrineynaa is-dejin iyo is-xakameyn maalmaha soo socda. Waxaan soo dhaweyneynaa ku dhawaaqista dowlad ku meel gaar ah waxaana dhiirrigelineynaa in isbeddel kasta loo maro si waafaqsan shuruucda Bangladesh.”

Afhayeen Miller ayaa intaa ku daray, “Waxaan aad uga xunnahay warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka, dhimashada, iyo dhaawacyada dhacayay maalmihii iyo todobaadyadii la soo dhaafay. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehellada dadkii ku dhintay iyo kuwa dhibaateysan.”

“Marka laga hadlo meesha aan halkan ka aadeyno," ayuu yiri Mr. Miller, “waxa aan rabno in aan aragno waa nidaam dimuqraadi ah. Waxa aan dooneynaa in aan aragno in dadka Bangladesh ay doortaan dowladdooda, taasina waa waxa aan raadin doono maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.”

Taasi waxa ay ahayd faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG