Accessibility links

Breaking News

Xaaladda Sudan 'ficil' ayay u baahan tahay


FILE - Families displaced by RSF advances in Sudan's El Gezira and Sennar states shelter at the Omar ibn al-Khattab displacement site, Kassala state, Sudan, July 10, 2024.
FILE - Families displaced by RSF advances in Sudan's El Gezira and Sennar states shelter at the Omar ibn al-Khattab displacement site, Kassala state, Sudan, July 10, 2024.

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Wadahadallo uu Maraykanku dhexdhexaadinayo oo lagaga hadlayo xasaradaha ka taagan Suudaan oo ay iska kaashanayaan Sucuudiga iyo Switzerland ayaa ka furmay magaalada Geneva.

Dagaal ayaa Suudaan ka socday tan iyo bishii Abriil ee sannadkii 2023, markaasoo uu dagaal ba’an ka dhex qarxay Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo Ciidamada Gargaarka Degdegga ah ee RSF.

Ciidamada RSF waxa ay aqbaleen martiqaadka ah in ay ka soo qaybgalaan wada-hadalladii bilaabmay bishan August 14-keedii, hase ahaatee hoggaanka ciidamada qalabka sida ee Sudan ayaan iyagu ka soo qaybgelinin.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suudaan Tom Perriello ayaa sheegay in wax badan lagu gaari karo ka qayb galka shirka ee ciidamada qalabka sida, laakiin wadahadaladu waxay u sii socon doonaan saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro qorshe hawleed.

“Horumarinta Qorshe hawleed la taaban karo oo ku saabsan ... joojinta rabshadaha, in gargaar bini'aadanimo si dhamaystiran loo geyn karo, iyo habka kormeerka iyo fulinta. Kuwani waa arrimo waqti dheer soo taagnaa. ... Waxaan dib u dhisi doonaa dhexdhexaadinta dhinacyada, haddii ay doortaan inay sidaas sameeyaan. Balse fariinta ka soo baxday shacabka Suudaan ayaa ahayd mid cad. Waxay rabaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato helitaanka gargaarka bini'aadantinimo."

"Dhibaatada ka jirta Suudaan waa xiisad heersare ah," ayuu yiri ergeyga gaarka ah Perriello:

"Waxaan joognaa waqti tobanaan milyan oo Suudaani ah ay wajahayaan gaajo buuxda ama gaajo daran. ... Waxaan maalin walba arkaynaa magaalo ka mida dalkaas oo la go'doomiyey, xadgudubyada ka dhanka ah haweenka oo dhacaya maalin kasta. Dambiyada ka dhanka ah carruurta, iyo dareenka qiirada leh ee soo noqnoqday ee ka soo yeedhaya shacabka reer Sudan oo muujinaya inaanay caalamku si fiican u dhegaysanin fariimahooda"

Ergeyga gaarka ah Perriello ayaa sheegay inuu rajeynayo in wadahadalkani uu horumar sameeyo usbuucan iyadoo ay ka qayb qaadanayaan dalalka Masar, Imaaraadka Carabta, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo, khaas ahaan, khubarada farsamadu. Shaqsiyaadka "isku dayaya inay cunto iyo dawo u helaan tuulooyinka go'doonsan, iyagoo u soo baxay oo leh, "Haddii aan sidan ama sidaas samayn karno, waxay tallaabooyinkaasi badbaadinayaan shacabka"

"Waxaan raadineynaa joojinta colaadaha iyo qorshe qaran oo ku saabsan gargaarka bani'aadantinimada. Haddii aan helno debecsanaan taasoo aan ku badbaadin karno, boqolaan ama kumanaan nafood, iyada oo dhinaca kalena hoos loo dhigayo falalka argagaxa leh ee ka jira meelaha qaar".

Taasi waxay ahayd faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

XS
SM
MD
LG