Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka;
Socdaalkiisii ugu dambeeyay ee uu ku tagay Bariga Dhexe, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken waxa uu la tagay farriin fudud laakiin degdeg ah: “Waxaan u baahannahay in aan helno xabbad joojin iyo heshiis la haystayaasha lagu sii daayo, waxaanan u baahannahay in aan hadda gaarno.”
“Waqtigu waa mid muhiim ah sababtoo ah maalin kasta oo na dhaafto badqabka iyo nolosha la haystayaasha ayaa khatar ku jira,” ayuu ku nuuxnuuxsaday Xoghaye Blinken oo saxaafadda kula hadlay Qatar.
“Waqtigu waa mid muhiim ah sababtoo ah maalin kasta haweenka, carruurta, ragga Gaza ayaa silcaya iyagoo aan haysan cunto ku filan, daawo, wajahayana khatarta ah in ay ku dhaawacmaan ama ku dhintaan dagaal aysan bilaabin aysanna joojin karin. Waqtigu waa mid muhiim ah sababtoo ah maalin kasta oo na dhaafta waxaa gobolka ka jirta khatarta sii kordheysa.”
Maraykanka ayaa Masar iyo Qatar kala shaqaynaya sidii looga hortagi lahaa in xaaladdu ay ka sii darto, iyadoo uu Mareykanku farriimo lagama maarmaan ah u dirayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh, oo ay ku jiraan Iran iyo Xisbullah, si looga fogaado in la qaado tallaabo kasta oo colaadda sii hurin karta ama faafin karta. Qatar iyo Masar ayaa si gaar ah xiriir toos ah ula leh Xamaas, iyaga oo ka shaqaynaya sidii loo gaari lahaa heshiiskan nabadeed.
Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii May soo saaray qorshe faahfaahsan oo ku saabsan xabbad-joojin iyo sii daynta la haystayaasha, kaasi oo uu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Israa’iil hadda way aqbashay soo jeedintaasi, “waxaan rajeyneynaa oo aan fileynaa in Xamaas ay sidaas oo kale sameyn doonto,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.
“Tani [xabbad joojintu] waxa ay u baahan tahay in la gaaro oo waxa ay u baahan tahay in la dhammeeyo maalmaha soo socda, waxaanan samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah si aan uga gudubno dhammaadka xarriijinta,” ayuu hoosta ka xarriiqay Xoghaye Blinken.
“Waa furaha caawinaya in la hubiyo in aan hoos u dhigi karno weerrarada Xuutiyiinta ee Badda Cas. Waxa ay fure u tahay in aan aragno haddii aan sii wadi karno heshiiska caadiyeynta xiriirka u dhexeeya Israa'iil iyo Sacuudi Carabiya, taasi oo labada waddanba ay weli aad u xiiseynayaan. Waa furaha qof walba, laga bilaabo Israa'iil, u ah waddo nabad iyo ammaan weyn ah. Dabcan, waa furaha in la haystayaasha ay guryahooda ku soo laabtaan."
“Waxa jira dad Ameerikaan ah oo weli lagu haysto Gaza,” ayuu yidhi Xoghaye Blinken. “Waxaan aad u caddeeyey danta Maraykanku uu ku hubinayo in dadkeennu ay yimaadaan guryahooda oo qoysaskooda usoo laabtaan iyo in haraaga kuwa dhintay dib loo soo celiyo.”
Taasi waxa ay ahayd faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.