Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
“Mareykanka,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, “waxa uu soo dhoweynayaa dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo ee ka gudbaya xadka Adré ee Chad, gudahana u galaya Suudaan. Waxaa sidoo kale jira dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu furo marin gargaarka degdegga ah lagu gaarsiin karo qaybaha ay abaaruhu ku dhufteen ee gobolka Darfur. La'aanta gargaarka bini'aadantinimo ee gobolka Darfur ka jirtay lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa uga sii dartay heerarkii taariikhiga ahaa ee macluusha iyo gaajada ba’an ee guud ahaan Suudaan, gaar ahaan gudaha xerada Zamzam.”
Horumarkan laga gaaray gargaarka in uu gaaro ayaa waxa ay dhiseysaa dardargelinta wadahadalladii bishii August ka dhacay Switzerland oo ay yeesheen Kooxda Isbaheysiga Hormarinta Naf-badbaadinta iyo Nabadda ee Suudaan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Switzerland, Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Midowga Afrika iyo QM.
Dadaalkan wadajirka ah ayaa xaqiijiyay dammaanad-qaadyadii ugu horreeyay ee dhinacyada dagaallamaya oo ah in si nabad ah, oo aan xannibaad wadan looga gudbi karo Marinka Adré iyo Waddada Dabbah, taasi oo u oggolaan karta in gargaar la gaarsiiyo ku dhawaad hal milyan oo qof oo muddooyinkanba wajahayay gaajo. Wadaxaajoodyo firfircoon ayaa weli socda si loo xaqiijiyo gaarsiinta gargaar bini'aadantinimo ee magaalada Port Sudan illaa koonfurta Suudaan.
Isku soo wada duuboo, waddooyinkan ayaa si weyn u kordhin doona gargaarka bini’aadantinimo ee qeybo ka mid ah Suudaan oo ay adkeyd in gargaar lala gaaro. In ka badan 25 milyan oo qof ayaa wajahaya gaajo daran, in ka badan 10 milyan ayaa ka barakacay guryahooda. Macaluul ayaa ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Darfur. Taasi waa sababta ay muhiim u tahay in beesha caalamku ay adeegsato qalab kasta oo ay awooddo si ay u kordhiso qulqulka gargaarka ee gudaha Suudaan.
Mareykanku waxa uu sidoo kale soo dhawaynayaa ballan qaadyada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, ama RSF, ay ka sameeyeen wada-hadalladii Switzerland ee bishii August oo ay ku ballan qaadeen in ay ka fogaadaan weerarrada ka dhanka ah kolonyada gargaarka bini'aadantinimo iyo in la sameeyo hab lagu dardargelinayo helitaanka degdegga ah ee cuntada iyo dawooyinka.
“Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa sida ay RSF uga go'an tahay in hab-dhaqan wanaagsan ay u sameyso dagaalyahanadeeda oo uu ku jiro talis," si “ay uga fogaadaan rabshadaha ka dhanka ah haweenka, ka faa'iidaysiga baraha koontaroollada, iyo baabi’inta dalagyada," ayuu yiri Xoghaye Blinken. Ballanqaadyadan cusub waa in ay ka muuqdaan ficillada [ciidamada RSF] kuwaas oo geystay isir sifeyn iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Suudaan,” ayuu yiri.
“Ma jiro xal militari ah oo lagu dhammeynayo qalalaasaha Suudaan,” ayuu yiri xoghaye Blinken. Mareykanka waxaa ka go’an in uu la shaqeeyo saaxiibadiisa caalamiga ah si ay labada dhinac uga qaybgalaan wadahadal toos ah iyo joojinta rabshadaha oo ah wax si weyn loogu baahan yahay.