Accessibility links

Breaking News

Dagaalka Putin ee ka dhanka ah caruurta


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Isagoo sii wada dagaalkiisii arxan-darrada ah ee aan sharciga aheyn ee ka dhanka ah Ukraine, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si bareer ah u bartilmaameedsanaya dadka rayidka ah ee Ukraine, gaar ahaan caruurta dalkaasi.

Dambiyada ugu foosha xun ee uu Ruushku geystay ee ka dhanka ah dadka Ukraine waxaa ka mid ah afduubidda iyo u kexaynta tobanaan kun oo caruur ah oo la geeyey Ruushka, dhulka uu Ruushku gumeysto iyo dalka Belarus, iyadoo aan oggolaansho laga haysan qoysaskooda. Waa caruur waalidiintood lagu dilay duullaanka ama ay xireen maamulka dhulka uu Ruushka haysto, caruur ay waalidkood ku kala irdhoobeen aag uu dagaal ka socdo.

Qaar ka mid ah ayaa laga afduubay xarumaha dawladda ee Ukraine ee dhulka la haysto. Kuwo kalena waxaa xagaagii xerooyinka carruurta u diray waalidiin aaminsanaa in kaamamku ay yihiin goobo nabad ah, laakiin aan dib dambe u arkin carruurtooda.

Carruurta la afduubtay waxaa lagu shubay dacaayad, maskaxda ayaa laga dhaqay, xitaa waxaa la siiyaa tababar ciidan. Waxa lagu shubaa fikir jecleysiinaya Ruushka xataa iyadoo loo akhriyo xog been ah oo ku dadaalaysa in ay tirtirto taariikhda, dhaqanka iyo luqadda Ukraine ee hodanka ah.

Bishii Maarso 2023-kii, markii ay soo gabagabaysay in afduubka carruurta Ukraine ay tahay dambiyo dagaal, dembiyo ka dhan ah bini’aadminimada iyo xasuuq ayay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Maria Lvova-Belova oo ah Guddoomiyaha Xuquuqda Carruurta ee Ruushka.

Xagaagii hore, Maraykanku waxa uu cunnaqabateyn saaray laba hay’adood oo Ruush ah iyo 11 qof oo loogu talagalay u wareejinta iyo u masaafurinta carruurta Ukraine ee xerooyinka dadka lagu maskax bedelo.

24-kii bishii August e sanadkanna, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa ay cunnaqabateyn saartay “Dhaqdhaqaaqa Koowaad” ama Movement of the First oo ah urur dhallinyaro oo ay maamusho dowladda Ruushka, iyo saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururka, kuwaasi oo ku lug lahaa isku-dayga, marin habaabinta khasabka ah ee carruurta Ukraine.

“Movement of the First” waxaa bishii December ee 2022-kii abuuray Vladimir Putin. Iyadoo loo marayo barnaamijyada kala duwan ee ururka oo ay ku jiraan ciyaaraha dagaalka ee abaabulan oo soo noqnoqonaya iyo jilitaanka xaaladaha dagaalka, iyo sidoo kale barashada diyaarinta qalabka dagaalka, ururkani waxa uu dib u wax-baris u sameynayaa carruurta Ukraine, oo ay ku jiraan kuwa si sharci darro ah loogu tarxiilay Ruushka.

Carruurtu waa mustaqbalka, dal caruurtiisa waayana mustaqbal ma leh. Vladimir Putin tan waa uu garanayaa. Iyadoo maskaxda caruurta laga tirtirayo aqqoonta dhaqanka iyo taariikhda Ukraine, Putin ayaa rajeynaya in uu sheeko aan jirin oo qalloocan dib ugu qaabeeyo mustaqbalka Ukraine.

Looma oggolaan karo in uu taas sameeyo. Dowladda Mareykanka ayaa sii wadi doonta taageerada ay siiso Ukraine si ay gardarrada Ruushka uga difaacdo madax-bannaanideeda -iyo carruurteeda.

XS
SM
MD
LG