Accessibility links

Breaking News

Haiti dimoqraadi ah oo nabdoon


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa dhowaan booqday Haiti si uu ula kulmo hogaamiyeyaasha loona hormariyo yoolka ah in la helo Haiti oo nabdoon, dimuqraadina ah.

Horraantii sanadkan, xaaladda ammaan ee Haiti - oo sanado aan caga fiican ku taagneyn - ayaa burburtay markii kooxo rabshado wata ay la wareegeen qaybo badan oo caasimadda ah ayna ku hanjabeen in ay isi sii ballaariyaan. In ka badan 2500 oo qof ayaa la dilay tobanaan kunna waa ay barakaceen. Dhismayaasha dowladda oo ay ku jiraan saldhigyo boolis ayaa la weeraray; xabsiyada ayaa loo daatay; garoonka weyn ayaa la xiray; ra'iisul wasaarihii dalkana - ugu danbeyn - waa uu is casilay.

Xoghaye Blinken ayaa xusay in tan iyo iyo bishii Maarso ay jiraan horumar siyaasadeed oo wanaagsan oo ka dhacay Haiti:
“Reer Haiti waxa ay dhiseen Gole Madaxtooyo Ku-meel-gaar ah (TPC). Waxaa jirta dowlad leh ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah, gole wasiirro, waxaanna aragnaa hay’ado hore u socda si ay u qabtaan shaqada loogu adeegayo dadka Haiti. Maraykanku waxa uu bogaadinayaa hoggaamiyeyaasha Haiti oo dhinac iska dhigay khilaafaadkii u dhexeeyay, iyagoo ka wada shaqaynaya sidii ay waddanka ugu dhaqaajin lahaayeen dhabbaha doorasho xor iyo xalaal ah. Waxaanan rajaynaynaa in TPC ay si degdeg ah u soo magacawdo Gole Doorasho oo ku meel gaar ah si uu u abaabulo doorashooyinkaasi. Taasi waa tallaabada xigta ee muhiimka ah.”

Sida uu geeddi-socodku u horumaray, si la mid ah ayay sameeyeen dadaallada lagu hergelinayo aas-aas amni oo xooggan, ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Hawlgalka Taageerada Ammaanka ee Caalamiga ah, oo ay sanadkii hore oggolaatay Qaramada Midoobay, ayaa hore u socda. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, in ka badan 380 askari oo Kenyaan ah ayaa yimid iyagoo taageeraya booliska Qaranka ee Haiti, taasi oo qayb ka ah howlgalkan – iyadoo qaar kalena ay imaan doonaan. Toddobaadyadii la soo dhaafay, MSS, oo ay la socdaan Bilayska Qaranka Haiti, waxa ay kordhiyeen hawlgallada wadajirka ah iyagoo la dagaallamaya kooxaha burcadda ah una diraya fariin xoog leh oo ah: dadka reer Haiti ayaa ah – ma’aha burcadda Haiti – cidda go’aamin doonta mustaqbalka dalka.”

Mareykanka ayaa weli ah deeq bixiyaha dhaqaale ee ugu weyn Haiti, oo ay ku jirto howlgalka MSS. Xoghaye Blinken waxa uu ammaanay dalalka kale ee u istaagay in ay caawiyaan Haiti: si aan looga maarmin - Kenya; sidoo kale, Kanada, Jamaica, iyo El Salvador.

“Laakin xilligan xasaasiga ah,” ayuu yiri, “waxaan u baahannahay ciidamo badan si ay u joogteeyaan una fuliyaan ujeedooyinka howlgalkan.”

Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayuu Maraykanku qaban qaabin doonaa kulan heer wasiir ah si loo dhiirri-geliyo tabarucaad ballaaran oo lagu taageerayo in horumarka socda la joogteeyo.

“Waxa aan aragnay bilow wanaagsan oo Haiti horey loogu sii dhaqaajinayo, laakiin wax badan ayaa dhiman,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Waxaan go’aansannay in aan ka caawino dadka reer Haiti in ay diyaariyaan mustaqbalka ay mudan yihiin.”

XS
SM
MD
LG