Accessibility links

Breaking News

Iran oo ballaarisay wada-shaqeynta Ruushka, waxaa xigi doona cunaqabatayn


Russia Iran
Russia Iran

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa si weyn uga walaacsan iskaashiga millatari ee qotoda dheer ee u dhexeeya Iran iyo Ruushka, waxaana, iyadoo ay weheliyaan xulafada Yurub, ay cunnaqabatayn dheeraad ah ku soo rogtay Iran, si tallaabadaasi looga jawaabo.

Shir jaraa'id oo uu qabtay afhayeenka Pentagon-ka Major General Pat Ryder ayuu ku yiri, “Mareykanku waxa uu xaqiijiyay wararka sheegaya in Iran ay shixnadaha Fateh 360 ee gantaalaha riddada gaaban u dirtay Ruushka, kuwaasi oo aan qiimeynayno in toddobaadyo gudahood lagu weerari karo Ukraine, taasi oo horseedaysa dhimasho hor leh oo soo gaarta dadka rayidka ah ee Ukraine.”

Iyadoo Iran ay horey u siisay Ruushka boqolaal diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn si ay uga caawiso Ruushka duulaankiisa arxan-darrada ah ee aan sharciga aheyn ee uu ku qaaday Ukraine, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken ayaa sheegay in gantaalaha Iran ay Ruushka siinayaan “awood dheeri ah.”

“Sahayda gantaallaha Iran ayaa u sahlaya Ruushka in uu u isticmaalo in badan oo hubkiisa ka mid ah bartilmaameedyada ka fog jiidda hore ee dagaalka, iyadoo gantaalaha cusub ee ay Iran siisay u adeegsan doona bartilmaameedyada dhow-dhow. Horumarkan iyo iskaashiga sii kordhaya ee ka dhexeeya Ruushka iyo Iran waxa uu halis gelinayaa amniga Yurub waxa uuna muujinayaa sida saameynta xasillooni-darrada Iran ay u gaarto meelo ka fog Bariga Dhexe.”

Si uu u carqaladeeyo ugana hortago dhoofinta hubka Iran, Mareykanku waxa uu hay’ado iyo shakhsiyaad uu horey ugu aqqoonsaday in ay fududeynayaan iskaashiga Iran iyo Ruushka uu ku soo rogay cunnaqabatayn dheeraad ah.

Cunnaqabataynta cusub ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaad, maraakiib, iyo shirkado awood u siinaya in ay si sharci-darro ah hubka Iiraan u raraan. Waxaa ka mid ah cunnaqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogi doono diyaaradda qaranka Iran ee Iran Air; shan Markab oo loo aqqoonsaday hanti xanniban ku lug lahaanshahooda in hubka Iran ay u daabulaan Ruushka awgeed; iyo cunnaqabataynta saraakiisha shirkadaha Iran iyo Ruushka, iyo sidoo kale taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka ee IRGC, oo gacan ka geysanaya bixinta gargaarka Iran ee halista ah.

Si la mid ah Mareykanka, saaxiibada caalamiga ah ee Jarmalka, Faransiiska, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa sidoo kale ku dhawaaqay cunnaqabateyn la saaray Iran Air taasi oo ka hortagaysa in shirkadda xamuulka ah ay mustaqbalka ka shaqeyso dalalkooda. Intaa waxaa dheer, waxa ay ku talo jiraan shakhsiyaad hor leh oo ku kala sugan Iran iyo Ruushka iyo kuwa ku lug leh wareejinta hubka Iran ee Ruushka.

“Mareykanka iyo xulafadayada waxa ay qaadayaan tillaabo wadajir ah oo ay uga jawaabayaan go’aanka aan ka fiirsiga laheyn ee Iran ay gantaallada ballistic-ga ah ku siisay Ruushka si uu ugu adeegsado dagaalka gardarrada ah ee ka dhanka ah Ukraine,” ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Wally Adeyemo. “Iran waxa ay dooratay in ay xoojiso ku lug lahaanshaha dagaalka sharci-darrada ah ee Ruushka, iyadoo Maraykanka, oo ay weheliyaan saaxiibadayada, ay sii wadi doonaan in ay garab istaagaan Ukraine.”

XS
SM
MD
LG