Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Hadal uu dhowaan ka jeediyay machadka Hudson, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dhinaca Maamulka iyo Kheyraadka Richard Verma ayaa waxa uu ku sheegay afar meelood oo uu quseeyo mustaqbalka iskaashiga Maraykanka iyo Hindiya.
Hadafka ugu horreysa ee uu carabka ku dhuftay ayaa ah dhanka sayniska iyo tignoolajiyada soo ifbaxaysa.
“Tani waxa ay ka dhigan tahay in iskaashiga Mareykanka iyo Hindiya uu ku jiri doono, xudunna u noqon doono, qeybahan cusub ee tignoolajiyada oo ay ku jiraan: dardargelinta tamarta nadiifka ah iyo xakameynta isbeddelka cimilada; beeraleyda oo la gaarsiiyo tignoolajiyad cusub si ay si ka wnaaagsan kana saameyn badan u abuurtaan beeraha; ka wada shaqaynta horumarinta tallaalka iyo ka hortagga masiibooyinka iman kara si loo helo badqab caafimaad oo heer caalami ah; Sugidda silsiladaha sahayda ee macdanta muhiimka ah iyo kala-duwanaanta ilaha iyo isku halaynta wax-soo-saarka semiconductor; bixinta sirdoonka macmalka iyo quantum computing iyadoo lagu darayo habab lagu ilaalin karo oo ku habboon.”
Hadafka labaad waa in la dhiso hay’ado dhinacyo badan leh si nabad iyo barwaaqo weyn loogu horseedo dadka ku nool gobolka Indo-Pacific, ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha, Verma:
“Saddex meelood labo meel dadka adduunka iyo wax-soo-saarka dhaqaallaha mustaqbalka ee tobanka sano ee soo socda ayaa ka iman doona Hindiya ilaa Australia iyo meel kasta oo u dhexeeysa. ... Laakin khataraha ku wajahan nidaamka ku saleysan qawaaniinta iyo dimuquraadiyadda waa kuwo dhab ah oo jira. Waa in aan isticmaalnaa dhammaan agabka aan haysanno si aan u sii wadno difaacidda guulihii la gaaray tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Tan waxa ka mid ah taageeridda qaabayntayada salka leh sida Quad. Waa in aan sidoo kale laba jibaarnaa hay’adaha kala duwan sida ASEAN, APEC, iyo, dabcan, Qaramada Midoobay.”
“Dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga,” ayuu yiri Xoghaye Verma, “waa in aan ka shaqeynaa si hufan, cadaalad ah, iyo hannaan sharciyeed furan, halkaasi oo ganacsiyadu ay ku shaqeeyaan si siman, shaqo abuur leh, iyo xallinta arrimaha muhiimka u ah dadka labada dal.”
Hadafka ugu dambeeya waa in la kordhiyo xiriirka tooska ah ee labada shacab, ayuu yiri Ku-xigeen Xoghaye Verma:
“Waa sababta aan qunsuliyado cusub uga furaneyno Hindiya iyo sababta aan si adag uga shaqeynay in aan yareyno waqtiga sugista fiisaha iyo dib u dhaca fiisa bixintaba. Waa sababta aan u labanlaabnay iskaashigayaga fanka, ciyaaraha, dhaqanka, xoojinta haweenka, iyo wax badan oo kale.”
“Illaa iyo inta aanaan isku qancin, oo aanaan si hubanti ah u qaadan guulihii u dambeeyay ee rubuci qarnigii la soo dhaafay,” "ayuu yiri Ku-xigeen Xoghaye Verma, “markaasi, waxaan aaminsanahay in sanadaha noo soo socda ay ka sii fiicnaan karaan, xitaa ka sii xoog badan yihiin, iyo xitaa ka saameyn badan yihiin.